Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulamo La Yeeshay Wufuud Ka Socday Midowga Yurub Iyo Baanka Horumarinta Afrika

0
384

Hargeysa (Dawan) –  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wufuud  kala duwan oo ay ka mid ahaayeen  Safiir ku xigeenka Ingiriiska u qaabilsan Itoobiya Cat Evans, oo ay weheliyeen xubno ka socday   midowga Yurub iyo wefti  Baanka Horumarinta Afrika (African Development Bank).
 
Kulamadamadan oo kala duwanaa, waxa Madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirrada arrimaha dibada, Duulista, arrimaha gudaha, Qorshaynta qaranka iyo Gaashaandhiga.
 
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulamada ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo wufuudaasi, waxaanu yidhi  “Waxa maanta (shalay) Madaxweynu halkan kula kulmay wefti ka socda Ingiriiska iyo midowga Yurub oo laba maalmood dalka innala joogay, weftigaasi waxay Madaxweynaha ka wadahadleen  arrimo kala duwan, shirkuna si wanaagsan buu noogu dhacay . Mar labaadna waxaanu u mahadnaqaynaa weftga ina soo booqaday.”
 
Wasiirka Khaarajiga, ayaa sheegay in Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika oo uu hore ula kulmay ka codsaday inuu wefti u soo diro Somaliland si ay uga caawiyaan mashaariic dhinaca biyaha ah, haddana ay hawshii weftigaas bilaabantay.
“Waxa manta (shalay)  halkan Madaxweynaha ugu yimi wefti ka socda Baanka Horumarinta Afrika oo ay hoggaaminayaan laba Agaasime oo waaweyn. Weftigaas oo ka kooban injineero iyo niman aqoonyahanno ah ayaa yimi, waxaanay inala joogaan 4 maalmood, waxaanay soo wada mareen meelo badan oo ay dalka ah oo ay ka mid yihiin meelaha aynu biyaha uga baahanahay, mashruuca ay u socdaan waa mashruuc biyaha ah, waxaanay la kulmeen Wasiirka Biyaha iyo Hay’adda Biyaha iyo wasiirro kale oo badan.
Aad baannu ugu mahadnaqaynaa  Baanka Horumarinta Afrika  oo soo diray weftigan ballaadhan oo aan markii hore anigu ka codsaday, markii aan la kulmay Madaxweynaha oo aan ka codsaday inuu wefti ballaadhan oo xagga biyaha naga caawiya noo soo diro. Mashaariic kale oo baanku leeyahayna dalka way ka socdaan, haseyeeshee waxa aan ogsoonahay in biyuhu muhiim yihiin,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Geesta kale, xubin u hadashay weftigan ayaa sheegay in ay sida ugu dhakhsaha badan bilaha soo socda hawsha caawinta biyaha uga bilaabi doonaan Somaliland, waxaannu yidhi.Waxa naloo soo dhaweeyey si aad u heer sarraysa, waxa aannu awoodna inaannu si adag u shaqayno iyo waliba xaalad aad u adag inaannu ku shaqayno, waxa aannu aad caawina mashaariicda dhinaca biyo soo saarka, tana maaha dhammaadkii, laakiin hawlgalku sida ugu dhakhsaha badan buu u bilaabmi doonaa, waxaanannu rajaynaynaa in dhawr bilood kadib ay hawshu ku bilaabanto oo aannu Banka Horumarinta Afrika ahaan biyaha Somaliland ka caawino.”
 
 
Sidoo kale waxa uu madaxweynaha Somaliland  kulan la yeeshay Ganacsade Maraykanka u dhashay  oo la yidhaahdo  John Moore oo ka mid ah ganacsade weyn oo dalka Maraykanka  iyo caalamkaba caanka ah kaas oo shirkii ganacsiga Somaliland ee lagu qabtay London Oct 14, 2014,  balan-qaaday inuu Somaliland mar uun indhaha ka soo qaadi doono, riyadaasi oo uu sheegay inay u rumowday.
Ganacsade John Moore, ayaa xusay in Madaxweynaha ay kulan midho-dhal noqday wada yeesheen, waxaannu tilmaamay inuu danaynaayo sidii uu u maalgashan lahaa Somaliland, ugana abuuri lahaa ganacsi xor ah, waxaannu yidhi; “Waxa aan kulan midho dhal leh wada yeelanay oo aad u qaali ah Madaxweyne Silanyo, sida wasiirku sheegayna waxa aan daba socday shirkii ganacsiga Somaliland ee lagu qabtay London. Waxa aan ahay ganacsade Maraykan ah oo doonaaya, raadinaayana inuu helo fursad uu ku maalgashado Somaliland, gaar ahaan horumarinta goobaha ganacsiga u xorta ah, waqtigana dawladdu waxay tixgelinaysaa arrimaha sharciga, taasna waannu u hoggaansamaynaa, waxaanan aad u jecelahay in aan halkan ku soo noqdo oo anigoo ay ila socdaan qaar ka mid ah  asaxaabtayda keeno si aanu u horumarino ganacsiga gaarka loo leeyahay, kaasoo aannu dawladda Somaliland si dhaw ula shaqayn doono haddii aannu nahay ganacstada Maraykanka si aannu u kordhino in shaqo abuuris la sameeyo, cashuuro badan loo helo iyo waliba in dhaqaalaha Somaliland noqdo mid awooddaysta.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply