Shir-gudoonka Guurtida Oo Sheegay In Ingiriisku Kala Hadlay Hawsha Doorashooyinka

0
357

Hargeysa (Dawan) – Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Somaliand Md. Siciid Jaamac Cali ayaa ka warbxiyay kulan dhex maray shir-gudoonka iyo wefti  ka socday safaaradda Ingiriiska ee fadhigeedu yahay dalka Itoobiya.
“Weftigu way ogyihiin in komishanka doorashooyinku ay jid-walkoodii ku saleeyeen bisha July illaa Septembar, taasina ay tahay wakhti ka dambeeya xiligii ay doorashooyinku qabsoomi lahaayeen. Iyagu waxa kaliya ee ay u socdeen waa in dhinacyadaa doorashadu ka dhaxayso dhex loo noqdo si aanu u istaagin hanaanka geedi-socodka dimquraadiyada Somaliland,”ayuu yidhi Md. Siciid Jaamac, oo ka hadlay fadhigii shalay ee aqalkaasi oo uu isagu gudoominayay isla markaana Xildhibaanadu kaga doodeen siyaasadda dibada Somaliland oo ay sheegeen inay meel wanaagsan oo taageero u baahan marayso.
 
Md. Siciid Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay doorka Guurtida ee doorashooyinka, waxaanu  yidhi “Doorashada annagu Guurti ahaan kuwa qabta ma nihin, waxa arrintaas  ku shaqo leh Komishanka Doorashooyinka. Komishanka doorashooyinku markay ay sameeyaan  jidwalkooda shaqada iyagaa sheega in ay doorashadu xiligeedii ku qabsoomayso iyo in kale.”
 
 
“Siyaasadeenna arrimaha dibada waxa baalal u ah jaaliyadaha kala duwan ee ku kala nool adduunka, jaaliyadii reer Cardiff  aad baanu u ugu bogaadinaynaa hawshaas ay qarankooda u qabteen. Jaaliyadaasi waxay isku hawleen inay wadankaas ay ku nool yihiin ay ka dhaadhiciyaan aqoonsiga qadiyada Somaliland.”
 
Geesta kale-na qaar ka mida xildhibaanada Golaha Guurtida ayaa ka dooday  qoddobka siyaasada arrimaha dibada oo ku jira ajandaha kal-fadhigoodan  56-aad .
 
Xildhibaan Maxamed Cabadiraxmaan oo aragtidiisa ka dhiibtay halka ay marayso siyaasada arrimaha dibada ayaa waxa uu yidhi “Siyaasadeenna arrimaha dibadu waxay ku tiirsan tahay ta arrimaha gudaha. Anigu waxaan leeyahay siyaasada arrimaha gudaha ee dalkeennu meel aad u fiican bay maraysaa xiligan.”
 
Xaaji Cabdikariin Xuseen  (Xaaji Waraabe)  ayaa waxa uu isna waxa uu sheegay in ay wasaaradda arrimaha dibadu shaqo fiican qabatay, isagoo arrintaas ka hadlaayayna waxa uu yidhi “Waxaad aad ugu mahad celinayaa sida fiican ee ay u shaqayso wasaaradda arrimaha dibadu, wasaaraddaasi waxay ku tallaabsatay horumar aad u balaadhan oo la taaban karo. Masuuliyiinteeda iyo hawl wadeenadeedaba waxay mudan yihiin in loo mahad celiyo.”
 
“Waxaan aad ugu mahad celinayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan sida fiican ee ay u ilaashadaan xasiloonida dalkooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ku soo wareegay dhammaan dalka oo dhan, tuullo kaliya oo looga waramayaa aanay jirin, midkastana xaalkeeda ka war haya mahad buu leeyahay .”
By: Jamaal C/Raxmaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply