Xisbiga Waddani Oo Bilaabay Qorsheyaal Khiyaamo Ah Oo ay Ku Raadinayaan Taageerada Dadweynaha

0
370

Hargeysa (DAWAN)-Xisbiga  Waddani oo  mudooyinkii u dambeeyeyba quus iyo faro madhnaan ka joogay  inuu hanto   taageerada iyo kalsoonida shacbiga   reer Somaliland oo  ku qanci waayay inay masiirkooda ku aaminaan. Ka dib markii uu  Xisbigaasi ku guul daraystay inuu la yimaado  wax qorshe iyo barnaamij siyaasadeed ah oo uu ku kasban karo mujtamaca reer Somaliland oo WADDANI  ku suntay in uu yahay xisbi aan  lahayn majare hoggaamineed oo ku binaysan istaraatajiyad qaran oo iska daa beelaha darafyada wadankee ay xataa aanay u dhamayn beelaha dhexe ee dalku.
 
Waxay dadweynuhu candhuuftooda dib u liqeen, marka  ay shaashadaha TV-yada ka  daalacdaan  Xisbiga WADDANI oo ay aqlabiyada Horjoogeyaashiisa ku kaliyaysteen Beesha Guddoomiye Cirro, waxaanay  duruuftaasi calaamad u noqotay sawirka taban  iyo dhadhanka siyaasiga ah ee ka dhalan kara dhismaha xisbigaa oo wakiiladiisa qurbuhuna ay yihiin beel sooc ah.
 
Waxa uu Xisbiga Waddani  bilaabay  xeelado  cusub oo ku salaysan shirar iyo kulamo dhalanteed  ah oo uu  ku majara habaabinayo rayul-caamka  bulshada, isla markaana  ay ku doonayaan  inuu  si khiyaamo ah ugu helaan taageerada iyo kalsoonida  dadka  gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarrada  oo ay is tuseen inay  yihiin xoogag dihin oo ay hawaysan karaan taageeradooda. Waxay  Axadii todobaadkan Hargeysa ku qabteen  shir ay u sameeyeen koox  haween ah oo laga soo ururiyey magaalooyin ku yaalla dalka.
Warar la xidhiidha shirarka  indho-sarcaadka ah oo aanu ka helnay ilo wareedyo u dhuun daloola  hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in danta iyo ujeedada ugu weyn ee Xisbiga Waddani ka leeyahay kulamadani  tahay mid la xidhiidha laba arrimood oo kala ah, inaanay magaca iyo hadal haynta Xisbigu maalin keliya ka maqnaanin  wararka  a saxaafada baahinayso, si Ray’ul caamka loogu marin habaabiyo waxyaabaha ay saxaafadu ka sheegayso, isla markaana  u arkaan inuu Xisbiga Waddani yahay mid ka baaxad weyn sida loo haysto.
 
Warku  waxa kale oo  uu intaas ku darayaa   in  kaartadan  cusub ee xisbiga Waddani  sida khaldan ugu raadinayo  kalsoonida shacbiga lagu go’aamiyey kulamo dhawr  ah oo ay bilihii u dambeeyey magaalada Hargeysa  ay ku yeesheen  xubno magacooda lagu sheegay “gudigga qarsoon ee ay  ka  go’do jaan-goynta siyaasadda xisbiga Waddani.”
 
Gudidaas oo sida la sheegay tiradeedu dhan tahay 20 xubnood oo dhamaantoodba ka soo wada jeeda beel keliya oo ah  beesha uu ka soo jeedo Guddoomiyaha Xisbigga Waddani Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxa la soo weriyay  inay isku raaceen in sida kaliya ee ay taageero ku heli karaan tahay inay galaan wax ay ugu yeedheen “Dagaal dhinaca warbaahinta ah” oo ay uga jeedaan inay soo alifaan sheekooyin gacan samays ah oo lagu daabacayo mareegaha iyo warbaahinta xisbiga taageerta oo lagu faafinayo daayacado fadhi ku dirirku curiyeen oo ka dhan ah xukuumadda iyo masuuliyiinta qaranka.
Wararkaasi waxa ka mid ah in shabakadaha internet-ka ee la safan  WADDANI lagu faafiyo sheekooyin lagu kala shaki gelinayo xukuumadda oo ay ka mid tahay “Wasiir hebel iyo Masuul Hebel oo is-casilaya.”  Waxa baaqa Guddiga mus-dambeedka WADDANI soo jeediyeen in la isku geegeeyo musasallo lagu bartilmaameedsanayo madaxda qaranka iyo qoyska madaxweynaha oo la yidhaahdo waxay guryo ka dhisteen adduunka, waxa la qabtay lacag masuulkaasi sitay iyo kuwo nuxur ahaan la macno ah oo qasdigoodu ku jihaysan yahay in kaadhka laga gubo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
 
Waxa ilo-wareedyo looga qaateen ahi ay sheegeen in xisbiga WADDANI dacaayadahan been-abuurka ah u qorsheeyay lacag aad u badan oo aan la carabaabin qadarkeeda rasmiga ah.
 
Illaa imika ma jiro wax barnaamij ah oo aan cay ahayn oo xisbigaasi  miidaanka la shir yimid marka laga reebo balan-qaadyo aan xad lahayn oo cid kasta oo uu la kulmaba uu Guddoomiye Cirro u balan-qaaday inuu siin doono xilal Wasiirnimo.
 
Waxa arrintani ku soo beegantay iyadoo xisbiga WADDANI qirtay inay dacwado ka dhan ah ciidammadda booliska ay u gudbiyeen safaarrado iyo dawlado shisheeye oo ay ugu baaqeen in taageerada iyo tababarada laga jaro ciidanka RRU-da, dhacdadaas oo noqotay shaambad madow oo dhabarka kaga taalla siyaasadda Guddoomiye Cirro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply