Cuqaasha Laascaanood Oo Miiska u Saaray Wefti Wasiirro ah Qorshe ay Kula Xisaabtamayaan Wasaaradaha Dawladda

0
527

Laascaanood (Dawan)- Cuqaasha iyo Wax-garadka Gobolka Sool, ayaa shalay kulan garnaqsi ah la galay Wefti Wasiirro ah oo uu socdaal shaqo gobolka ku maraya, waxaanay sheegeen inay warbaahinta ka iclaamin doonaan wasaaradaha aan waxba ka qabinin gobolkaasi ee ka soo bixi waaya balan-qaadyadooda.
Wax-garadka Sool waxay sidaas ka sheegeen shir ay Huteelka Xamdi ee Magaaladda Laascaanood kula yeesheen weftii heer Wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Caafimaadka Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) Isla markaana ay xubno ka yihiin  Wasiirka wasaaradda Waxbarashada  Prof. Faarax Cilmi Geedoolle, Wasiirka kalluumaysiga Md, Cali Jaamac Faarax Buureed, Wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani).
 
 
 
 
Caaqil Cabdilaahi Xasan Yare oo ka mid ah cuqaasha Magaalada laas-caanood oo ka hadlay kulanka odayaasha iyo xubnaha wasiirrada ayaa sheegay in waxgaradka Gobolku diyaar u yihiin inay wasaarad walba la xisaabtamaan oo ay waxqabadka gobolka kala hadlayaan, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waa waajibkayaga inaanu la xisaabtan samayno, Waxaan caddaynayaa in Wasaaradda Caafimaadku tahay wasaaradda ugu wax-qabadka badan gobolka, marka loo eego wasaaradaha kale oo aanu dhawaan haddii ay wax na gashan waayaan ummadda u sheegi doono.”
 
Caaqilku waxa uu xusay in odayaasha iyo cuqaasha gobolku ku midaysan yihiin la xisaabtanka wasaaradaha dalka iyo mid waliba waxa ay gobolka gashato, waxaanu tilmaamay inaanay aqbali doonin masuul soo mara oo inta uu balan-qaadyo u sheego, haddana aan ku soo noqonin gobolka.
 
Caaqil Qamandi oo ka mid ah cuqaashii la hadashay Weftiga ayaa u soo jeediyay weftiga inay wasaaradaha kalena gaadh siiyaan go’aanka ay reer Laascaanood dabo-galayaan wasaaradaha dawladda.
 
 
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr.  Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye)  oo madashaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay faa’iidada ugu jirta gobolka Sool mashaariicda ay wadaan ee laga fulinayo sanduuqa horumarinta Somaliland.
 
“Gobolka Sool,  waxaa miisaniyadda sanduuqa horumarinta ugu jira lacag gaadhaysa laba Milyan  iyo badh Dollar, taasoo qeyb ka mid ahi galayso Cisbitaalka Guud ee Gobolka Sool oo dib u habayn lagu samayn doono, la qurxin doono, qalab casri ahna la keeni doono, Daawo tayo leh oo la idiin keeni doono iyo dhakhaatiirtii aad hore u codsateen oo la idiin keenayo, dhakhaatiirtaas oo kala noqon doona Dhakhtar qalliinka guud ah, iyo dhakhtar cudurada haweenka ah, iyo mid kale oo dhanka caruurta qaabilsanaan doona,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku. Waxaanu intaasi ku daray in wasaaradiisu ay dedaal ugu jirto sidii ay adeegyada caafimaadka dalka u horumarin lahayd.
 
 
 
Gudoomiyaha jaamacadda Nugaal Prof.  C/Risaaq Lafoole oo ka mid ahaa wax-garadkii  Gobolka ee Wasiirrada la kulmay ayaa tilmaamay in fariinta uu bulshada Somaliland   guud ahaan iyo ta gobolka Sool gaar ahaan u dirayo ay tahay in dadku ay iyagu isku tashadaan oo iskood wax u qabsadaan.
 
“Aniga oo ku hadlaya afka bahda waxbarashada ee Gobolka waxaan halkan idiinka sheegaya in aanu Kuliyadaha  jaamacadda ku darayno qaybta kalluumaysiga, waayo waxaanu leenahay togag biyo maraan, waxaa jirta in aanu kalluunka beeri karno, haddii aanu u xidhno biyaha dooxyada maraya,”ayuu yidhi Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal.
 
Gudoomiyaha Gobolka Sool  Yaasiin Maxamed  Shire, ayaa isna weftiga u sharaxay juquraafi ahaan gobolku sida uu u yaallo iyo xuduuda dheer ee uu la wadaago dalalka aynu deriska nahay ee Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaanu  ku wargeliyey weftiga in Gobolka Sool xiligan ammaankiisu aad u wanaagsan yahay oo xitaa aanu lahayn dhalinayarrada  habeenkii dadka taleefanada kaga qaadata gobolada kale ee Dalka.
 
Xubnaha golaha wasiirrada ee weftiga qaybta ka ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaaradda Waxbarashada  Prof. Faarax Cilmi Geedoolle, Wasiirka kalluumaysiga Md, Cali Jaamac Faarax Buureed, Wasiirul dawlaha wasaaradda maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa si isku mid ah ugu ballan qaaday wax-garadka iyo cuqaasha in xilligan gobolka loo gaar yeelay wax-qabad muuqda oo laga hirgelin doono.
 
Gabo-gabadii   Wasiirradu waxay si wada jir ah u dhagax dhigeen mashaariic ay ka mid yihiin mashruuca dib u habaynta Cisbitaalka guud iyo Dugsiga  Boodhinka magaalada Laascaanood.
By: Xuseen Kurdi
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply