Dawladda Turkiga Oo Dublamaasinimo U Tabo-bartay Saraakiil Ka tirsan Wasaaradda Khaarajiga Somaliland

0
359

Hargeysa (Dawan)- Saraakiil iyo hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda khaarajiga Somaliland, ayaa dhawaan ku soo laabtay dalka ka dib markii ay soo dhamaysteen tababar dhinaca dublamaasiyadda ah oo ay ku soo qaateen machadka tababarka dublamaasiyiinta wadanka Turkiga.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal wasaaradu soo saartay oo lagu faahfaahiyay duruustii iyo aqoon korodhsigii ay dalka Turkiga ku soo qaateen shan xubnood oo iskugu jiray agaasimewaaxeedyo iyo hawl-wadeeno ka shaqeeya wasaaradda khaarajiga, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-
“5 Xubnood oo ka mid ah Agaasimayaasha Waaxaha iyo Hawl-wadeenada Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland  ayaa soo dhamaystay tababar dhinaca diblomaasiyadda iyo shaqada khaarajiga ku saabsanaa  oo ay bixisay akaadamiyadda  Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkey-ga.”
 
Tababarkan oo socday muddo lix maalmood ah (23rd-28th March) laguna qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkey-ga ee Ankara ayaa hawl-wadeennadda Wasaaradda lagu tababaray duruus kala duwan  la xidhiidhay arrimaha diblomaasiyadda, dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafka iyo qodobbo la hal maala.
 
Waxa sidoo kale aad loogu darsay tababarkan macluumaadka xagga xidhiidhka iyo iskaashiga dibadda iyo dhaqaalaha Turkey-ga.  Waxana ka mid ahaa duruusta  la qaatay:-
Shuruucda mabaadii’da guud ee hab-maamuuska (General Protocol Rules), Maamulka safaaradaha/qunsuliyadaha (Embassy administration),Xidhiidhka Turkey-gu la leeyahay Afrika (Turkey’s relations with Africa), Itijaaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda Turkey-ga ee heer gobol iyo heer caalami, Dhaqaalaha  iyo Xidhiidhka Dhaqaalaha Dibadeed ee Turkey-ga (Turkey’s  economy and foreign Economic relations).
 
Gargaarka bini’aadanimo iyo iskaashiga horumarka (Humanitarian Aid and Development Cooperation), Dhexdhexaadinta (Mediation), Diblomaasiyadda Bulshada (Public Diplomacy), Nabadgelyada Caalamiga ah iyo Nabad Ilaalinta (International security and peace keeping), Xirfadaha Wada Xaajoodka (Negotiation skills) iyo Abaabulidda Shirarka Caalamiga ah.
Waxa kale oo barmaamijka tababarka qayb ka ahaa booqashooyin iyo kulamo ay hawlwadeennada Wasaaraddu ku tageen xarumaha Hay’adda TIKA iyo Machadka Dhaqanka ee Turkey-ga (Yunus Emre Cultural Institute) halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta hay’addaasi oo kulamo la qaateen.
Waxa sidoo kale barmaamijka ku jiray booqashooyin dalxiis iyo waayo aragnimo oo ay hawl-wadeennadu ku soo mareen  Maxfadda Turkey-ga ee Ankara (Ataturk Museum), Masjidka Buluugga ah, xaruntii Boqortooyada Cusmaaniyiinta (Sultanahmed) iyo Madxafka Xaajifa Soofiya (Hagia Sofia Museum)  ee magaalada Istanbul.
diblomaasiyiintani mudadii ay joogeen waxay la kulmeen Jaalliyadda iyo Ururka Ardayda Somaliland ee Turkey-ga oo ay soo dhawayn ballaadhan kala kulmeen, kana wada hadleen arrimo khuseeya danaha jaalliyadda/ardayda iyo xidhiidhka Somaliland iyo Turkey-ga ee xagga waxbarashada, dhaqanka iwm iyo sidoo kale u diyaargarawga xuska 18 May ee soo socda iyo qorshayaasha kale ee jaalliyaddaas.
Hawlwadeennada Wasaaradda ee tababarkan ka qaybgalay waxay dalka dib ugu soo laabteen 29th March, 2015.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply