Diyaarad Nooc Aan Duuliyaha Lahayn Ah Oo Dul Mar Ku Sameeyey Meelaha Hubka Nuclear-ka Faransiisku Yaalo Iyo Goobaha Ciidamada Military-gu Degan Yihiin

0
364

Mid kamdi ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo aan la garanayn cida leh ayaa maalintii sabtidii ina dhaaftay dul martay aaga ka caagan dulimaadyada ee ay degan yihiin ciidamada cirka wadanka Faransiiska ,taas oo ku taala meesha lagu magcaabo Port San,meeshaas oo Koonfur Barri ka xigta magaalada caasimada ah ee Paris.
Diyaaradan ayaa keentay inay ciidamada halkaasi degani qaylo dhaan u dirtaan ciidamada bada ee wadankaasi Faransiiska,kuwaas oo iyaguna daba gal ku sameeyey diyaaradaasi,laakin nasiib xumo lama helin diyaaradii meel ay martay,ilaa haddana waxay dhalisay shaki badan,iyada oo la samaynaayo baadhitaano dheeraada.
Khubarada dhinaca Satelite ka ee wadankaasi oo baadhitaankaasi ka qayb ahaa ayaa sheegay inay diyaaradaasi soo gashay hawada saacado lagu qiyaasay 9:30 subaxnimo,taas oo kusoo gabatay hawada oo ciiro qarisay aadna ay u adkayd in wax la arkaa.
Waxaanay dhulka usoo jirsatey diyaaradaasi in ka yar 200 oo Meter,iyada oo qalabka hawada ilaa hadda laga baadhaayo ,waxaanay noqonaysaa markii labaad ee ay diyaarad aan la garanayni soo gasho halkaasi iyo meelo kale oo ka caagan dadka iyo duullimaadyada caadiga ah.
Waxay bishii January markii ay diyaarado aan la garanayn oo Drones ahi soo galeen dhulka ka caagan dadka iyo duulimaadyada shicibka ah oo ah meelo ay yaalaan hubka ciidamada wadankaasi iyo ka sida weyn wax u gumaada ee Nuclear ku,taas oo keentay in aad loo adkeeyo amaanka aagagaasi,qalab badana lagu xidho.
Sidoo kale bishii October waxay diyaaradahaasi oo kale soo galeen dhulkaasi tiroba shan jeer,iyaga oo dul maray meelahaasi xasaasiga ah iyo sidoo kalena magaalada caasimada ah ee Paris dusheeda,waxaanay taasi keentay cabsi weyn,waxaana aad loo adkeeyey amaanka dhulka Nuclear ku ku kaydsan yahay ,sida uu sheegay wasiirka arrimaha Gudaha Faransiisku Bernard Kaznov.
Tan ayaana keentay cabsi iyo su’aalo badan oo aan jawaabo loo hayn,iyada oo baadhitaano badan la sameeyey ,ilaa haddana la wado.
 
 

Leave a Reply