Maleeshiyada Daacish oo Galey Xero Qaxooti oo ku taal Dimishiq

0
342

Maleeshiyada Daacish  (IS) ayaa la sheegay in ay galeen kaamka qaxootiga Falastiiiniyiinta  Yarmouk ee ku yaal  Damascus.
Isku dhacyo ayaa dhexmarey maleeshiyada iyo kooxo ku sugan gudaha kaamka, haseyeeshee Daacish ayaa qabsadey qeybo ballaadhan oo kaamka ah.
QM  ayaa sheegaysa in ay ilaa  18,000 oo qaxooti falastiiniyiin ahi ku jiraan gudaha kaamkaasi gacanta u galey Daacish.
 
Maleeshiyada IS ayaa qabsadey dhul ballaadhan oo bariga Siiriya iyo galbeedka Ciraaq ah.
Haseyeeshee tani waa weerarkii ugu horeeyay ee kooxdu ku qaaday wadnaha caasimada Siiriya.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay  IS oo ku saabsan tallaabadan.
 

Leave a Reply