Nayjeeriya oo loo Hambalyeeyay

0
370

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa  u hanbalyeeyay guusha uu gaadhay Muxamadu Buhari iyo shacbiga Nayjeeriya tubta dimuqraadiyadeed ee ay qaadeen.

Madaxa Ururka Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma ayaa sheegaya in doorashada Muhammadu Buhari loogu doortay madaxweynaha cusub ee dalka Nageria ay muujineyso sida dimuquraadiyadu uga hanoqaaday dalkaasi.

Madaxweynaha xilka haya, Janathan Goodluck oo doorashada looga adkaaday ilaa iyo labo milyan oo cod ayaa waxaa uu talefoon u diray Mr. Buhari maalintii talaadadii waxuuna u sheegay in doorashada looga adkaaday.

Afhayeenka Mr. Janathan ayaa sheegay marka laga gudbo in doorashada looga adkaaday in ay niyadiisu aad u fiican tahay.

Mr. Buhari ayaan la wareegi doonin xafiiska ilaa iyo dabayaaqada bisha May. Waxuuna mashquul ku noqon doonaa dhowrka todobaad ee soo socda sameynta xukuumadda.

 

 

 

 

Leave a Reply