Saylici Oo Kula Kulmay Xildhibaan Ka Tirsan Congress-ka Maraykanka

0
416

Minneapolis (Dawan) Madaxweyne ku- xigeenku Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo Xildhibaan Jibriil Abubakar oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Xildhibaan  Keith Ellison oo ka tirsan Aqalka hoose ee Maraykanka.

.

Madaxweyne ku- xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,ayaa Xildhibaankaas Maraykanka ah uga warramay Somaliland dimuquraadiyadda ka hano-qaaday iyo marxaladihii ay soo martay iyo sida ay isugu tashatay waxna uqabsatay  iyo isku duubnida  ay dawlad iyo shicibba ayugu midaysan yihiin ilaalinta Qarannimada Somaliland oo aan ka noqosho lahayn.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxaa uuka codsaday Xildhibaan KeithEllison  in  uu kala shaqeeyo dhankiisa  wanaajinta xidhiidhka dalkiisa iyo ka gobolka Minnesota ee laga soo doorto iyo Jamhuuriyada Somaliland taasoo uu balan qaaday Md Keith Ellison isagoo sheegay inuu horena u waday  imikana halkaa kasii wadi doono in uu xoojiyo xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa  dalka Maraykanka ku sii sugnaan doona muddo kulamo kala duwanna la yeelan doona jaaliyadda  goboladaMaraykanka ee reer Somaliland iyo masuuliyiin kale oo kamid ah dawladda Maraykanka.

By:Cabdi M.Safwaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply