Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Kala Qayb-qaatay Hawl-galka Ololaha Nadaafadda

0
336

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa qaab taariikhiya wuxuu shalay uga qayb qaatay maalinta nadaafada Somaliland oo hore Madaxweynuhu ugu asteeyey 7 bishan  April in dalka oo dhan guud ahaanba laga hirgeliyo, laguna nadiifiyo. 
 
Madaxwenayaha Somaliland oo shalay subaxnimadii  hore ku waabariistay goobaha ay ka socotay nadiifinta qashinku, waxa uu gacantiisa ula tagay gurista goobihii kudaafaduhu buuxiyeen, taas oo qiiro galisay dadkii ka qayb qaadanaayay ee ku sugnaa goobaas.
 
Madaxweynaha oo ay wakhtigaas, wehelinaaayeen Wasiirro ay ka mid ahayeen Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arrimaha gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay maalintan u asteeyeen sidii dalka looga nadiifin lahaa qashinka, waxaanu tilmaamay in nadaafaddu ay muhiim u tahay saxada bulshadda iyo bilicda Magaalooyinka dalka.
 
“Maanta (shalay) waxa weeye maalintii nadaafadda waxaynu u tashanay qaran ahaan inaynu maanta u qoondayno maalinta nadaafadda oo aynu kuligeen ka wada qeyb galno, sidii dalkan iyo dadkan nadaafaddiisa aynu kor ugu qaadi lahayn, Magaalooyinkeenna iyo wadooyinkeenna waaweyn oo dhan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu intaa ku daray “Ololahan nadaafadduna waa qeyb ka mid ah iimaanka, aad iyo aad bay muhiim innoogu tahay saxada dadka nadaafadda iyo quruxda magaalooyinkeenna, wax weyn bay ugu fadhidaa inaynu dad ahaan dawlad ahaan iyo shacbi ahaan iska kaashano in aynu nadaafada aad iyo aad kor ugu qaadno. taas oo aan ka socon gobolkan oo keliya ee ay ka socota dalkoo dhan. ILLAAHAY waxaan ka baryayaa inuu innagu guuleeyo taana aynu mar-walba meel uga soo wada jeesano.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply