Weftigii Hoggaanka KULMIYE Iyo Jawigii Loogu Soo Dhaweeyay Ceerigaabo

0
326

Ceerigaabo (Dawan) Weftigii uu hogaaminayay  Guddoomiyaha Xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii u dambeeyay safarka ku marayay gobolada bariga Somaliland ayaa shalay gaadhay Magaalada Ceerigaabo.
 
Weftigan waxa galbeedka Magaalada Ceerigaabo kaga hortagay maamulka gobolka, degmada iyo taageerayaasha KULMIYE ee gobolka Sanaag.
 
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo la  hadlay taageerayaasha KULMIYE ee Ceerigaabo ayaa uga mahad naqay soo dhaweynta ay u sameeyeen. “Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa haddii aad tihiin Gobolka Sanaag oo illaa shalay (doraad) aanu ku soo dhex-jirnay, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa shacabka reer Ceerigaabo ee Rag, Dumar,  Caruur, iyo Culimada ee soo dhaweyntayada  aan u kala hadhin ee hawsha badani ka gaadhay, waxaanan aad ugu mahadnaqaynaa madaxda gobolka Sanaag oo Guddoomiyaha iyo madaxda kaleba kow ka yihiin sidaad noo soo dhaweyseen guud ahaan Sanaag oo dhan aad baanu ugu mahadnaqaynaa. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa haween weynaha gobolka oo dhan gaar ahaan kuwa KULMIYE ee heeganka u ahaa soo dhaweyntayada,” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi
 
 
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay ayaa sheegay inay weftigan ku soo dhaweynayaan Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) si kalgacal leh u soo dhaweynaynaa Weftigan balaadhan ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha  Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu idin leenahay ku soo dhawaada Magaalada Ceerigaabo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply