Wadanka Ruushka Oo La Doonaayo In Lagu Adeegto Diyaaradaha Helocapters-ka Ah

0
388

Shirkadda lagu magcaabo Muscovite ayaa sheegtay inay si dhakhso ah u diyaarinayso  inay waraaqaha Boosaha iyo sidoo kalena waxyaalaha kale sida Pizza oo ah waxyaalaha ugu badan ee wadankaasi laga cuno  in diyaarad yar oo aan duliye wadan lagu qaado dadkana loogu geeyo.
Shaqaalaha ayaa soo jeediyey fikirkan siday masuuliyiintu sheegeen,iyada oo ay aad ugu fogaatey meelaha ay geeyaan ,lagana soo dalbado waxyaalahan oo ah kuwo aad dalkaasi looga isticmaalo,waxaanay sheegeen inay si yar oo fudud u geynayaan meel kasta oo looga baahdo ,iyada oo adeegsanaaya diyaaradaasi.
Afhayeen u hadlay maayirka magaalada Caasimada ah ee Moscow ayaa sheegay inuu mashruucani yahay mid ay aad u soo dhoweynayaan ,iyaga oo dadku dhibaato balaadhan kala kulmi jiray  waxyaalahaasi yar yar ee shirkaddaha looga baahdo.
Shirkaddan ayay iska kaashanayaan mashruucan shirkad kale oo laga lee yahay wadanka Chine,taas oo iyaduna mashruucan oo kale ka shaqaysa,dalkaasina geysa meelo kala duwan cuntooyinka iyo waraaqaha.
Agaasimaha xaruntan ayaa sheegay in diyaaradan yar oo lagu magcaabo E-dron ay noqon doonto mid ka dheeraysa baabuurta,kana hor geyn doonta waxyaalaha ay sido baabuurta,iyada oo si Computerised ah loogu rikoodh garayn doono ama loogu buuxin doono meel kasta oo magaalada kamid ah.
Waxaanay diyaaradani jaraysaa Kilometres saacadiiba,sidoo kalena  kilometre ayay jari doontaa  minutes.
Agaasimaha oo lagu magcaabo  Fuckenz in lacagta la siin doono diyaaradaasi yari markay iib noqoto ay noqonayso 2 ilaa 3 kun oo Dollar,iyada oo duulaysa 10 Kilometers ,iyada oo la isticmaalaayo Computer ee aanu kaxaynayn wax duuliye ahi.

Leave a Reply