Lix Cisho Ka Hor Waqtigii Loogu Dhawaaqi Lahaa Inay Tahay Islaanta Caalamka Ugu Da’da Weyn Bay Dhimatay

0
406

Islaan u sharaxnayd inay noqoto islaanta ugu weyn adduunka ayaa dhimatay ,waxaanay u dhalatay wadanka Maraykanka, iyada oo lagu magcaabi jiray Gertrude Weaver ,waxaanay islaantani geeryootay, waxaanay islaantani muddo dheer ku noolayd  gobolka Arkansas, waxaanay da’deedu ahayd  sanno.
Gertrude Weaver ayaa noqotay qofka ugu weyn da’ahaan caalamka,iyada oo dhimatay intii aan lagu dhawaaqin inay tahay qofka ugu weyn lix cisho ka hor, waxaana loo diyaarinaayey in xaflad lagaga dhawaaqaayo inay caalamka da’ahaan ugu weyn tahay .
Waxa iyaduna toddobaad ka horeysay islaan kale oo lagu magcaabo MISAO oo u dhalatay wadanka Japan, taas oo noqonaysay intii aanay dhiman ka hor 117 sanno.
Maayirka degmada Camden ayaa sheegay inay islaantaasi ahayd islaan wanaagsan oo dadka soo dhoweysa,isaga oo sheegay inuu ku bartay islaantan markii uu dhintay odaygeedii hore oo lagu magcaabi jiray Balgrfahccant Weaver oo ku dhintay xarunta caafimaadka ee Silver Oaks.
Maayirka ayaa sheegay inuu weydiiyey mar uu la kulmay  waxyaalaha ay samayso ee keenay in cimrigan ay soo gaadho,waxaanay sheegtay ayuu yidhi inay dadka aad u xidhiidhiso ,sidoo kalena masaakiinta quudiso,isaga oo sheegay inaan gurigeeda laga waayi jirin dad masaakiina oo jooga iyo qaraabada oo markasta iman jirtay.
Baadhitaan ay samaysay  xarunta lagu magcaabo Genrontology oo ku taala Los Angeles ayaa lagu sheegay in  baadhitaan lagu sameeyey shahaadadeeda guurka lagu ogaaday in meherkiidu dhacay sannadkii 1915 kii,,sidoo kalena ay dhalatay iyaduna sannadkii 1898,waxaanay sheegeen in qiyaas ahaan ay  filayaan in bishii ay dhalatay ahayd  April ama May ,laakin ay iyadu dabaal degi jirtay bisha Julay 4-teeda.
Waxaana la filaayey in sannad guuradeedan uu kasoo qayb galo madaxweynaha dalka Maraykanka ,isaga oo tix gelin badan siin jiray,waxaanu sheegay inay labadii jeerba isaga u codaysay.
 

Leave a Reply