Wadanka Urdun Oo Shan Qof Ugu Dhinteen Xanuunka H1 N1

0
412

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Urdun ayaa sheegay  in  shan qof u dhinteen  xanuunka laga qaado digaaga iyo shimbiraha  ee loo yaqaano H1 N1,sidoo kalena waxa uu tilmaamay in 130 qof oo kalena uu xanuunkaasi asiibay.
Waxaanu sheegay agaasimuhu in  dhakhaatiirta wadankaasi la tacaalayaan xaalado kala duwan oo ku saabsan xanuunkan,kaas oo dibada kaga yimid wadankaasi Urdun,waxa kale oo uu intaas ku daray inay waxyeelo badani soo gaadhayso inta badan dadka buur buuran oo uu si fudud u soo ridanaayo ,sidoo kalena uu ka haleelaayo  habka dhiig wareega.
Waxa kale oo uu sheegay inay heleen caruur yar yar oo da’ahaan jira  5 sanno,sidoo kalena ay jiraan dad waaweyn oo iyaguna da’ahaan jira 65 sanno jir oo ay dhibaato kasoo gaadhey xanuunkaasi,waxa kale oo iyaguna jira dad uu faro baas ku hayo xanuunka Cancer-ku,kuwas oo uu kaga dhacay Kelyaha.
Lozi oo ayaa dadka muwaadiniinta ah ugu baaqay inay qaataan talaalka la doonaayo in lagaga hortago xanuunkaasi,isaga oo sheegay in sannadkii horena ay dalkaasi Urdun ugu dhinteen  30 qof oo dibada kaga yimid wadanka Urdun.
Sannadkii 2009 ayay ahayd markii uu wadanka Mexico ka dilaacay xanuunkaasi,isaga oo waqtigaais ku faafay wadamo badan,sidoo kalena wadamada Aasiya ,gaar ahaana Chine iyo  Japan dad badan ku laayey,waxaanu socda ilaa 10 August ee sannadkii 2010 kii,waxaana bilo yar gudohood loo diyaariyey ka hortag ama talaal.
 
 
 

Leave a Reply