Madaxweynaha Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Laba Danjire Oo Ka Kala Socday Dawladaha Maraykanka Iyo Turkiga

0
356

“Waxaannu doonaynaa inay doorashooyinka Somaliland noqdaan qaar ku qabsooma hab xor iyo xalaal ah, Waxaannu doonaynaa in La sii xoojiyo hanaanka dimuqraadiyadda” Danjire Mr. Brain H. Phipps

“Somaliland waxay ku soo xidhay wada Hadalkii Meel Adag oo Soomaaliya ay Dhaafi kari Wayday” Wasiir Xirsi

 

By. Khalid Xabsi

 

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley laba wefti oo ay kala hoggaaminayeen Safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya  Mr. Brain H. Phipps iyo  Danjiraha  Turkiga u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya Mr. Olgan Bekar.

 Kulankan waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirrada Madaxtooyada,  Qorshaynta , arrimaha guddaha, Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha dibada, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

 Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.  Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulanka ay wada yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo  danjiraha Maraykanka, waxa uu yidhi  “Wefigan ka socda safaarada Maraykanka ee Nairobi oo shir la qaatay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kala duwan ee dawladda waxa uu kulanku ku dhammaaday si wanaagsan oo la is-fahmay, waxaynu nahay dawlad aan la ictiraafsanayn,  laakiin ay mar walba dunidu ixtiraamto markaa imaantinka iyo kulamada ay innoogu yimaadaan badanaa si fiican bay u dhacaan, waxaana laga wada  hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sidii  si qiimo leh loogu  qaban lahaa,  la iskuna fahmi lahaa iyo sidii ay innooga caawin lahaayeen xaga nabadgelyada  maadaama oo ay soo kordheen arrimahan Yeman iyo culayska inagga saaran sidii ay innooga caawin lahaayeen oo aynu uga wada shaqayn lahayn.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay arrimaha wada shaqaynta ee ay ka mid yihiin xaga horumarka oo in si wanaagsan la isku kaashado lagu balamay.”

 

 Geesta kalena danjiraha Maraykanka u fadhiya Kenya Mr. Brain H. Phipps, ayaa sheegay in socdaalkiisani la xidhiidho sidii ay Somaliland ugala sii shaqayn lahaayeen dhinacyadda horomarinta iyo dimuqraadiyadda, waxaanu yidhi  “Waxaan ku faraxsan nahay socdaalkayga Somaliland, waxaan uga mahad celinayaa masuuliyiinta dawladda iyo shacbiguba siday iigu soo dhaweeyeen Hargeysa. Runtii Maraykanku waxa uu Somaliland kala shaqeynayay dhinacyada horumarinta muddo labaatan sannadood, taasi oo aanu doonayno inaanu sii wadno. Waxaan xiisaynaynaa in guud ahaan mandaqadan horumar iyo koboc dhaqaale oo ka tisqaadaa uu aad iyo aad u muhiim yahay.”

 

“Waxaanu ka wada hadalnay gaar ahaan xiligan duruufaha adag iyo dagaaladda ka taagan Yeman oo qaxoontigii ka soo cararay qeybo ka mid ahi soo gaadhay Somaliland, waxa kale oo aanu isla soo qaadnay sidii ay guud ahaan Somaliland kaalin uga geysan lahayd sugida ammaanka mandaqadda. Waxaanu ku faraxsan nahay iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo darisyadeeda,”ayuu yidhi Danjiraha Maraykanku.

Danjire  Mr. Brain H. Phipps waxa uu sheegay in ay dawladiisu doonayso inay taabo-gal noqoto hanaanka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxa arrimahaa noo dheeraa siyaasadda iyo doorashooyinka, waxaannu Somaliland ka taageernaa sidii ay doorashooyinka, waxaannu doonaynaa inay doorashooyinka Somaliland noqdaan qaar ku qabsooma hab xor iyo xalaal ah. Waxaannu doonaynaa in Somaliland ay sii xoojiso hanaanka dimuqraadiyadda ee ka jiray ku dhowaad tobanaan sannadood.”

Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu sharaxay kulanka ay wada yeesheen Madaxwenaha iyo safiirka Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi   “Weftigan Turkigu waxay u socdeen inay arrimihii Wada hadallada Somaliland iyo Somalia wax innaga waydiiyaan, Wada hadaladana waynagii meel ay dhaafi waayeen aynu ku soo xidhnay, halkaas oo ahayd Soomaaliya haddii ay doonayso in la wada hadlo inay soo kaxaysato dad reer Somalia ah, arrintiii wada hadallada Somaliland halkii uun bay ka taagan tahay, wax isbedel ahina ma jiraan. Waxay Somaliland taagan tahay Somalia haddii ay doonayso in la wada hadlo ha soo kaxaystaana dad reer Somalia ah, Turkiguna wuxuu inoo diyaarinayay miiska wada hadalka waanay ku mahadan yihiin wixii ay inala soo mareen, laakiinse wax gaar ah oo ay ka wataan ma jirto ee waxay danaynayaan wadahadal la wada hadlo oo qolo waliba ay la timaado talladeedii iyo aragtideedii.” 

 

Leave a Reply