Baaskiilad Cad Ceeda Ku Shaqaynaysa Oo Lasoo Saaray

0
396

Waxa la soo saaray markii ugu horeysay  lasoo saaray baaskiilad ku shaqaynaysa sida la sheegay falaadhaha cadceeda, taas oo si fudud loogu isticmaali karaayo  meelaha kulaylaha ah, sidoo kalena faa’ido badan leh waxqtiga habeenkii ah.
Baaskiiladan ayaa waxa soo saartay shirkad ku taala magalaada Copenhagen, taas oo lagu magcaabo Copenhagen Solarbike, taas oo hore uga shaqayn jirtay arrimaha nadaafada, umana baahanayso baaskiiladani wax beytari ah iyo sidoo kalena wax dab ah oo lagu jaaj gareeyo.
Qalabka cadceeda soo jiidanaaya ayaa lagu rakibay labada dhinac ee shaagaga baaskiilada,taas oo si fudud usoo jiidanaysa falaadhaha cadceeda,sidoo kalena iyadu samaynaysa  socodka shaagaga.
Ikhtiraacan cusub ayaa ah mid qaybtiisa hore tahay mid aad u adag ,lagagana kulmay dhibaato badan,waxaanay sheegeen masuuliyiinta shirkaddaasi inay doonayaan inay baaskiiladan horumar balaadhan gaadhsiiyaan saddexda sanno ee soo socda sida u qorshaysan.
Waxaana lagu socon karaa baaskiiladan masaafo dhan 70 km ,marka laga dhigo beytariyga mid buuxa,waxaanay ku soconaysaa xawaare dhan 48 km/h.

Leave a Reply