Iska Jir Isticmaalka Mobilka Habeenkii Wakhtiyada Danbe

0
518

Gabadh Dhakhtarad ah oo u dhalatay dalka Faransiiska, Joul Adriana ayaa  cadaysay in shaashadaha Mobilada, computerada  iyo qalabka Electarooniga  ah uu dhib ku keeno qofka wixii ka danbeeya 10 habeenimo haddii la isticmaalo.  Isticmaalka qalabkan ayaa joojiya hoormoonada melatonin oo caawiya inuu qofku helo hurdo raaxo leh oo degan. Waxaana dhacda in dheecaanadaasi oo jidhku diyaariyo habeenkii ay dib u dhacaan, waxayna Dhakhtarada Adrian ku talisay  in qalabka Mobilka, Computerada iyo electronics la iska joojiyo saacadaha 8 fiidnimo ama cashada ka dib.
 

Leave a Reply