Hay'ado Samafal oo ka Digay Xayiraada Xawaaladaha Soomaalida

0
393

Hay’addaha gargaarka ee caalamiga ah ee soomaliya ka howlgala ayaa ka digay in ay joojin doonaan shaqooyinkii ay soomaliya ka hayeen, hadii  aanay  dawladda Kenya ka noqonin go’aankii ay ku xidhay xawilaadaha dalkeeda ka hawlgala, arrin taas oo daba socotay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa.
War saxaafadeed ay soo saareen 15 hay’adood oo gargaarka ka shaqeeya ayay ku sheegeen in ay shirkadahaasi xawaaladaha ku dirsan jireen lacagaha ay u adeegsadaan hawlaha gargaarka isla markaasna ay ku bixiyaan mushahaarada iyo kirooyinka.
Waxa ay sheegeen in xidhitaanka xawaaladaha ay saameyn xooggan ku yeelatay Soomaalida saboolka ah ee ku tiirsan dhaqaalaha loogu soo diro xawaaladaha oo ay u isticmaalaan in ay ku gataan cunto, oo ay isaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka iyo iskuulada.
Kenya ayaa sheegtay in ay shirkadahaasi u xidhay sidii ay ku joojin laheyd dhaqaalaha u gudbi kara Al Shabaab.
 
 

Leave a Reply