Warqad Furan Oo Ku Socota Golaha Deegaanka Ee Hargeysa

0
455

Qore: Maxamed Wadaad-yare
 
Khamiistii bishii aynu soo dhaafney ee taariikhduna ahayd 26march  golaha deegaanka magaalada Cardiff ee dalka boqortooyada ingiriisku [united kingdom] waxay si buuxda u taageereen mooshin lagu aqoonsadey jamhuuriyadda Somaliland
Waxaana golaha deegaanka ee magaalada Cardiff aqoonsiga ay u fidiyeen Somaliland ay ku macneeyeen inay tahay dhiirigelin iyo kor loogu qaado niyada shacbiga Somaliland si ayna uga daalin raadinta qadiyada aqoonsiga
Sidoo kalena waxay dalweynaha ingiriiska ugu baaqeen in ay hormood ka noqdaan sidii caalamku u ictiraafi lahaa madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland
Waxa kale oo golaha deegaanka Cardiff ay isla garteen in golahooda looga baahan yahay  in ay ka hawl galaan sidii qadiyada Somaliland loo gaadhsiin lahaa fagaareyaasha caalamka
Iyaga oo xusay in ay Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo 25 sanadood  haystey dawladnimo buuxda iyaga oo aan caalamka ka helin wax taageero ah sidaas awgeedna ay xaq u leeyihiin in lagu abaal mariyo in la siiyo aqoonsi buuxa maadaama oo ay horeba u ahaayeen dal jira oo 1960kii madaxbanaanidiisa ka qaatey ingiriiska
Xiligaas oo ay aqoonsi buuxa siiyeen dalal badan oo ku jirey ama ka tirsanaa barwaaqo sooranka [commonwealth]
Hadaba sidan oo kale ayaa councilka magaalada shefield uu u aqoonsadey madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland magaaladaasi oo noqotay meeshii ugu horeysay ee ku dhiirata in ay si buuxda u taageerto madaxbanaanida Somaliland
Isla waqtigaasna waxa talaabo wanaagsan ku dhaqaaqey golaha deegaanka ee magaalada burco oo xaafad ka mida magaalada burco ugu magacdarey shefield
Sidaas awgeed maadaama oo magaaladii labaad ee ka tirsan cariga ingiriisku ay ku dhawaaqdey aqoonsiga Somaliland waxa golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa la gudboon in xaafad ka mida xaafadaha caasimada ay ugu magac daraan Cardiff  si jiilasha dambe ee soo koreya ay ugu noqoto taariikh ay ku gartaan cidii abaalka ku lahayd maalmihii adkaa ee soo maray ictiraaf raadinta
Jamhuuriyada Som

Leave a Reply