Hillary Clinton oo u Ordaysa Madaxtinimada Maraykanka

0
437

Hillary Clinton  oo ahayd wasiirkii hore ee arrimaha dibada Maraykanka ayaa  doonaysa in ay u tartanto madaxweynenimada Maraykanka , sidaasna waxa sheegay warar ay faafiyeen warbaahin kala duwan oo Ameerikaan ahi.
Mrs Clinton oo sida oo kale  mar ahayd  marwada koowaad ee Maraykanka xilligii  madaxweyne Bill Clunton  ayaa la filayaa  in ay kaga dhawaaqdo warbaahinta bulshada damaceeda musharaxnimo maalinta Axadda.
Haweenaydan 67 jirka ah ayaa u socdaali doonta bilowgaba  gobollada  Iowa iyo  New Hampshire,  halkaasi oo ay ka bilaabmayaan tartanada u horeeya  sannadka  2016.
Hilarry Clinton oo ahayd xaaskii madaxweynihii hore ee Maraykanka Bill Clinton  ayaa hore  ugu tartantay madaxweynenimo sannadkii 2008, waxaana horeba loogu taixgeliyay in ay tahay tartame adag oo ka soo baxaya magacaabida xisbiga dimoqraadiga ah.

Leave a Reply