Maraykanka oo ka saaraya liiska Argigixisada Kuuba

0
420

Wasiiradda arrimaha dibeda ee Maraykanka iyo dalka Kuuba ayaa kullan ay albaabada u laabanyihiin waxa uu uga socdaa Dalka Panama ka hor inta aanu furmin shirweynaha wadamada loo yaqaano Americas.
Waa kulankii ugu heerka sareeyey ee labada dhinac yeesheen wixii ka dambeeyey kacdoonkii ka dhacay Cuba in ka badan nus qarni ka hor.
Waxa lagu wadaa in markii ugu horaysay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo dhigiisa Cuba Raul Castro ay si rasmi ah u kulmaan.
Mar sii horaysaynay waxa soo baxay war sheegaya in wasaaradda arrimaha dibeda ee Maraykanka ay ku talisay in Cuba laga saaro liiska wadamada maalgeliya argigixisada.
Bishii Disembar ee sanadkii tagay, Madaxwaynayaasha Maraykanka iyo Cuba, Barack Obama iyo Raul Castro ayaa ku dhawaaqay in Maraykanka iyo Cuba ay bilaabi doonaan wadahadalo , kuwaas oo looga gol leeyahay in dib loogu soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed.
Shirweynahan ayaa waxa ku kulmaya 35 dal oo ku kala yaal waqooyiga, badhtamaha iyo koofurta AMEERIKA.

Leave a Reply