Hoggaanka KULMIYE Oo Booqday Fadhiisimadda Ciidanka Qaranka Ee Jiida Gambadha

0
454

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga  tallada dalka haya ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo oo muddooyinkii u dambeeyay socdaal ku marayay gobolada bari ee dalka ayaa shalay booqasho ku tagay fadhiisimadda ciidanka qaranka jiida hore ee Gambadha gobolka Sool.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi  kala hadlayay cutub ka mida ciidanka qaranka ee jiida Gambadha ayaa waxa uu u soo jeediyay in ay u dhabar adaygaan dhib kastoo la soo gudboonaata, isla markaana naftooda u huraan dalka.
“Markii aanu nidhi Laascaanood ayaan tagaynaa magaalada dhan iyo durbaankii ay nagu soo dhaweeyeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye,  idinkaa noo muuqday waayo nin waliba waxa uu yahay ayuun buu dareemaa.
Ictiraafka la doonayaa gacantiinna ayuu ku jiraa.  waa inta idinka go’an ee carruurtiina ka go’an ictiraafna ma imanayo haddii aanad naftaada hurin, haddii aydaan u  adkaysanan dhibaatada carruurtiinna oo ay daan dhiigiina hurin  ictiraaf ma jirayo, horumarka iyo daaraha dhaadheer ee ganacsatadu dhisatay, tacliinta iyo Jaamacadaha  lagu faanayaa  waa kuwa ku dhismay xoogaaga iyo dhiigaaga waxa aan idiinku  nimid gal-kacal  iyo inaan aanu idin soo arragno oo saacado idin la wadaagno dhibta oo aanu soo marnay annaguba askar baanu ahaan jirnay,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiye ku xigeenak koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in ciidanka qaranku tiir  dhexaad u yahay dawladnimadda;waxaanu yidhi “Anigu ciidan ayaan ahaan jiray oo sideedaba qaran waliba waxa uu qaran ku yahay ciidamadiisa.Waxa kale oo aan idinku hambalyaynaynaa in aad tiir dhexaad ka tihiin nabadgelyada qaranka Somaliland guud ahaan iyo jiidan aad joogtaan-ba oo aad nabadgelyadeeda sugteen,
Taliyaha hawl-galinta ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Saqadhi Dabagalle oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan weftiga ka socday Hoggaanka KULMIYE, waxaanu yidhi “Weftigan uu hogaaminayo Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee halkan maraya waxa aan idinku soo dhawaynayaa cutubyo ka mida ciidanak qaranka ee difaaca kaga jira jiidahan hore ee gobolka Sool, gaar ahaan Gambadha.  ciidanku difaac ayuu ku jiraa cutub yar oo ka mid ah ayaad halkan ugu timaadeen cid kasta oo madax ah oo timaada gobol ka Sool way soo booqdaan ciidamada jiidan hore fadhiya oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo tiraba laba jeer ayuu soo booqday isaga iyo wefti u hogaaminayo markaa waa iska caadi in madaxda qaranku had iyo jeer soo booqato.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply