Salaadii Jimcaha Ee Shalay Oo Masaajidada Dalka Laga Oogay Duco Roob Doon ah

0
463

Hargeysa(Dawan):-  Salaaddii Jimce ee shalay,ayaa guud ahaan masaajidda waawayn ee dalka, waxaa laga akhriyay duco roob doon ah oo ALLE lagaga baryayay in uu raxmadiisa innoo shubo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ,ayaa maalintii khamiistii culimada dalka faray inay bilaabaan ducada roob doonta oo ay maalinta jimhaca ka bilaabaan masaajiida dalka iyo in  duco roob doon ah la oogo.
Iimaamyada Masaajiidda waawayn ee dalka Somaliland ayaa shalay salaaddii Jimce guud ahaan khudbadihii Jimce waxay ku soo qaateen duco ALLE bari ah oo Rabbi lagaga baryayay in uu raxmadiisa ugu deeqo cirkana raxmaad khayr  qaba ka siiyo bulshadda Somaliland.Culimada waawayn ee dalka ayaa ummadda Somaliland u soo jeediyay in ay is cafiyaan oo ay is wada saamaxaan kuna xidhnaadaan Rabbiga khaaliga ah ay kalidii baryaan.
Iimaamka Masjidka Cali Mataan  Sheekh Maxamed Aadan,  ayaa Khudbadii salaadda jimce ee shalay guud ahaan ku soo qaatay ALLA bariga iyo wanaaga ugu jira ummadda muslimiinta ah waxaanu bulshadda ku dar-daaray in ay is wada cafiyaan oo ay RABBI u toobad keenaan kana baryaan in uu abaarta ka jabiyo.
“Maanta (shalay) waxaynu baryaynaa Rabbiga Khaaliqa ah oo aynaan baryadiisa ka daalayn dalka biyo yaraan iyo roob la’aan ayaa ka jirta waxaynu gacmaha hoos haysannaa ALLE oo aynu baryaynaa RABINA addoomihiisa I barya ayuu yidhi,walaalayaal waa in aynu is wada saamaxnaa oo qalbi san iyo niyad saafiya ALLE ku barinaa ILLAAHAYNA waxaynu ka baryaynaa inuu cirka Raxmaad khayr qaba innaga siiyo,”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Aadan.
Sidoo kale masaajiida caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan dalka oo dhan ayaa shalay laga akhriyay Khudbadii salaadda Jimce duco Roob doon ah.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply