Sababta Sacuudigu u Diiday Daayeer looga soo Dhoofin lahaa Sweden

0
445

Sacuudiga ayaa diiday in daayeer looga soo dhoofiyo dalka Sweden iyagoo cillad ka dhigay khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.
Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in qorshuhu ahaa in afar daanyeer laga dhoofiyo dalkaasi oo la geeyo beer xawayaannada lagu xanaaneeyo oo ku taal  dalka Sacuudiga.
Madaxda beerta xayawaannada daanyeerta laga soo qaadi lahaa ee Sweden ayaa sheegay in Sacuudigu u sheegeen inaan loo baahneyn daanyeertaasi.
Sacuudiga ayaa horey ugu yeedhay safiirkoodii Sweden, oo welibo ka noqdey heshiis ay hub uga gadan lahaayeen dalkaasi, kaddib markii labada dal uu soo kala dhexgalay khilaaf.
Sweden ayaa ka hadashay xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Sacuudiga taas oo ka cadhaysiisay mas’uuliyiinta dalkaasi.

 

Leave a Reply