MSF iyo Doorkeeda Badbaadinta Tahriibayaasha

0
433

Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xudduuda Lahayn ee MSF, ayaa lagu wadaa inay daaha ka rogto howlgal baadi goob iyo badbaadin isugu jira oo lagu samatobixiyo muhaajiriinta ku safra badda Mediterranean-ka.
MSF ayaa diiday wararka ay sheegtay dowladda Britain ee ah in adeegan muranka dhaliyay uu dhiirigaliyo in ay bataan maraakiibta dadka soo tahriibisa.
Markab wada gargaar oo uu dherarkiisu yahay 40 mitir ayaa lagu qalabeyn doonaa doomaha dheereeya iyo diyaaradaha loogu talagalay dabagalka.
MSF ayaa rajaynaysa in inta badan muhajirinta ay badbadiso la gayn doono xeebaha wadanka Talyaaniga.
Markabkan ayaa waxa uu badeli doonaa markabka the Mare Nostrum.
Howlgalka baadigoobka iyo badbaadinta ee ciidammada badda ee Talyaaniga ayaa la joojiyay kaddib markii xubno ka mid ah Midowga Yurub ay sheegeen in aysan awoodin in ay maalgaliyaan mashruucaasi.
Sanadkii hore qiyaastii 3,400 oo muhajiriin ah oo intooda badan ka yimid Afrika, ayaa ku dhintay badda xilli ay isku dayayeen in ay tahriib ku galaan Yurub.
Howlaglkan yar ee ay wado hay’adda MSF ayaa waxa uu socon doonaa inta u dhaxaysa bisha May ilaa bisha October, markaasi oo la filayo in kumanaan qof ay naftooda halis u galiyaan safar ay horay dad badani ugu ugu dhinteen.
 
 

Leave a Reply