Shirkad Jarmal Ah Oo Soo Saartay Qalab Biyaha Dab Lagaga Dhalinaayo

0
437

Shirkad laga lee yahay dalkaasi Jarmalka oo lagu magcaabo Shareholder Company Aquakin ayaa soo saartay qalab cusub oo biyaha lagaga dhalin karo tamar laydh, gaar ahaana mid lagu dabaysan karo waxyaalaha inta badan loo baahdo in laydhka lagu jaaj gareeyo.
Qalabkan cusub ayaa lagu magcaabaa Blue Freedom , kaas oo si fudud biyaha ugu bedelaaya laydh ama dab, inkasta oo aanu dabkaasi ahayn mid awood leh, waxaana lagu dabayn karayaa waxyaalaha ay ugu horeeyaan Mobiles-ka .
Waxa kale oo la doonayaa inay uga sii gudbaan mid ka weyn kan oo lagu jaaj garayn karo computers-ka yar yare e Labtops ka loo yaqaano, kuwaas oo ka maarmi kara laydhka ay markasta u baahan yihiin,waxaana lagu shubayaa  biyo ku filan si uu tamar ku filan usoo saaro.
Madaxda shirkaddaasi  ayaa sheegay  in  qalabkani jaaj garayn karo mobiles-ka muddo hal saac ah ,kaas oo noqon doona siday rajaynayaan mid kaga fiicnaada qalabka kale ee wax lagu jaaj gareeyo.
Jo Schuler oo kamid ah shaqaalaha shirkadda ayaa sheegay in qalabkani ugu dambayn noqon doono ka ugu fiican caalamka,ayna hada soo dalbadeen markii ay xayeysiiska u sameeyeen dad gaadhaaya 1.6 billion oo qof,kuwaas oo ay ku jiraan  shirkaddo doonaaya inay iibiyaan qalabkan iyo kuwo kale oo  si shakhsi ah u isticmaalaya.
Qalabkan ayaa soo saaristiisa waxa ku bixi doona lag dhan 107,000 oo lacagta Maraykanka ah,taas oo ay kusoo saarayso wershada  samaynaysa,waxaana iminka lasoo saaray  kuwo hor dhac ah oo tijaabo noqon doona.
 
 

Leave a Reply