Xukuumadda Oo Ka Hadashay Mashaariicda Hir-gashay Ee Laga Maal-geliyay Sanduuqa Horumarinta

0
488

Hargyasa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliand Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa ka war-bixiyay halka ay marayaan iyo kuwa  ka fulay mashaariicdii la qorsheeyay in laga maal-geliyo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, kaasi oo ay wadamadda qaadhaan bixiyeyaashu Somaliland ugu shubaan  kaalmadda.
Dr. Sacad Cali Shirre, oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan, waxa uu sheegay in mashaariicdaasi oo ahaa kuwo aad u muhiim ah, isla markaana loo qoondeeyay   inay ku baxdo lacag dhan 62 milyan oo dollar, taasi oo la qoondeeyay  in wax lagaga qabto meelaha ugu mudan baahiyaha jira, inay  ka hirgaleen   dhammaantoodba waxyaabo  la taaban karro.
Waxaanu tilmaamay  in mashaariicdaasi oo ka koobnaa qaybo kala duwan in ay sidii  loogu tallo galay u fuleen  intoodii badnaydna  la dhamaystiray halka  qaarna ay weli socdaan. Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen horumarinta wadooyinka, beeraha, caafimaadka, biyaha, waxbarashadda, kalluunka, deegaanka iyo dib u dhis iyo qalabayn  lagu samaynayo xafiisyadda qaar ka mid ah tuullooyinka dalka.
“Wadooyinku saddex ayay ahaayeen, midi  waa wadadda Xamaas ilaa Berbera, waa la bilaabay waxaanay imika maraysaa Xabaallo Tumaallo, jidka kale waa Berbera ilaa Sheekh, kaasi qorshihiisii ayaa socda weli lama bilaabin.  waxa kale oo ku jira qaybta wadooyinka Biriijka Hunduse u dhaw oo dunsan  oo imika dhinac laga maro, jidka kale waa ka iska xidha Dilla iyo Kalabaydh, kaasi oo qandaraaskiisii la bixiyay dhawaan ayaana la bilaabayaa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu xusay in sanduuqa horumarinta Somaliland laga maal-geliyay  horumarin lagu sameeyay biyo balaadhinta qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, sida Hargeysa, Berbera, Burco, Laascaanood  iyo qaar kale.
“Dhinaca biyaha waxaa laga qayb qaatay Beebka Geed-deeble ilaa biyo Shiinaha, beebabkiina dhawaan ayaa la filayaa in ay yimaadaan.  waxa kale oo ku jiray  todoba ilo-biyood oo Dubaar ah oo lagu kordhinayo  biyaha Berbera  waana la dhameeyay.  waxa ku jiray  iyadna  Taangiyo biyaha lagu kaydiyo oo Burco ah, magaaladda Hadaaftimo biyo balaadhinteeda, iyo Laascaanood iyo tuullo la yidhaahdo Gar-gooray oo Awdal ku taalla, mashaariicdaasi oo qaarna ay dhammaadeen, qaarna ay weli socdaan,”ayuu yidhi Dr. Sacad.
Dr. Shirre, waxa kale oo uu ka waramay  mashaariicda horumarinta dhinaca beeraha iyo seereyaasha ee laga maalgeliyay sanduuqa SDF,  iyo sidoo kale  mashaariicda dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada ee iyagana laga fuliyay  isla sanduuqa horumarinta Somaliland.  Waxaanu  yidhi “Xagga beeraha waxa jira Ciid-celin iyo biyo celin mashruuca    Aburiin ah, oo mashruuc balaadhan ah,  kaasi oo la bilaabay hawshiisuna ay socoto, xagga xoolaha laba seereyaal oo kala ah   Aroori  iyo  ka  Qool-caday, ka Aroori hawsha badideedii waa la wadaa, waana lagu guddo jiraa. Waxa kale oo  ku jira cusbitaalka Laascaanood iyo cusbitaalka Ceerigaabo, oo ah laba cusbitaal oo waaweyn, waxa isna ku jira dugsi Boodhin ah oo Laascaanood laga hirgelinayo iyo dugsigii boodhinka ahaa ee Dayaxa.  markaa mashaariicdaasi waa la ansixiyay, laakiin   weli lama bilaabin. Waxaa isna jira mashruuc deegaanka ah, oo laga dhisayo goboladda oo dhan kaasi oo la bilaabay.”
Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa intaasi ku daray in ay jiraan mashaariic kale oo lagu tayayna wasaaradda Kalluumaysiga iyo kahyraadka Badaha, isla markaana lagu    horumarinayo   kalluunka iyo dib u dhis lagu samaynayo dekadda Maydh, isagoo wasiirku dhamaanba mashaariicdaasi ku tilmaamay in ay yihiin kuwo la taaban karro oo muhiim ah.
“Waxa kale oo isna jira mashruuc kalluunka ah, oo wasaaraddana lagu tayaynayo, kulliyadda culumuumta baddaha ee Berbera-na wax lagaga qabanayo, dekedda Maydh-na lagu dhisayo, magaalooyin dhawr ahna la doonayo in la dhigo qaboojiyeyaal, mashruucaasi waa la ansixiyay  dhawaan ayaana la rejaynayaa in la bilaabo.  Marka aan si guud u eegno waa mashaariic la taaban karo,”ayuu yidhi wasiirka qorshayntu.
Wasiirku, waxa uu tilmaamay in dhamaanba mashaariicdaasi kala duwan guud ahaan kharashka loo qoondeeyay in  uu ku baxo uu ahaa 62 milyan oo dollar, isla markaana aan  weli lacag kale lagu soo shubin sanduuqa horumarinta Somaliland, iyadoo marka ay lacagtaasi soo gaadhana ay qiimeeyaan sida loo isticmaalayo iyo meelaha ay ku baxayso guddi wasiirro ah.
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi    “Kharashka guud wuxuu ahaa illaa 62 milyan oo dollar, laakiin kollay waxaa ka go’aya kharashkii ku baxayay maamulka.  sanduuqa weli lacag labaad kuma soo dhicin, qaybtii hore ayuun baa imika innaga dhamaatay, laakiin marka lacagta kale ay ku soo dhacdo waa laga wada tashanayaa, oo gudi wasiiro ah oo maamusha ayaa jira, kuwaasi oo cayima hadba waxyaabaha inoo mudan ee la doonayo in wax laga qabto”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply