Golaha Guurtida Oo Bilaabay Dood Xasaasiya Oo La Xidhiidha Xakamaynta Sixir-bararka

0
386

Hargeysa (Dawan) – Golaha Guurtida Somaliland  oo  ku gudo-jira dood ay ku lafo-gurayaan  sidii  xal loogu heli  lahaa sixir bararka  dalka ka jira iyo saamaynta taban ee ay bulshadda ku yeelanayso, ayaa ku baaqay in wada tashi qaran laga yeesho sixir bararka qiime tiraya lacagta shilinka Somaliland.
 
Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiye  Ku xigeenka koowaad ee aqalka Odayaasha waxa  doodooda ka dhiibtay labadii Mudane ee ugu horeeyay iyadoo Goluhu maalmaha soo socdana uu sii ambo-qaadi doono dooda mawduucan xasaasiga ah.
 
Md.Cabdiraxmaan Qawdhan, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida,  ayaa  walaac ka muujiyay sixir bararka dalka ka jira, waxaannu ku baaqay in wax la xakameeyo mushkiladaas ijtimaaciga ah, waxaannu yidhi   “Dawladu mushaharka ay bixisaa kuma filna qofka, marka loo eego shaqaalaha danyarta ah sida askarta ama shaqaalaha dawladaba. Lacagtii waxa ku dhacay sixir barar oo waxba uma goynayso. Arrinkaas waxa loo baahan yahay in laga yeesho qorshe lagaga gaashaanto waxyeelada ka iman karta.”
 
Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida  Md. Muxumed Aw Axmed, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu taageersan yahay hindiseyaasha la xidhiidha in wax laga qabto sixir bararka, waxaannu ku dooday inay lagama maarmaan tahay in la aamino lacagta Somaliland, isagoo xildhibaanku arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Aniga waxay ila tahay qofkasta oo caqli lihiba halka aynu maanta marayno wuu arkayaa, waxa loo baahan yahay in ay ummadu iyadu isku tashato, iyadoo oo waxeeda iimaansato mooyaanne sixir barar iyo dhaqaale xumo meelna inagama tagayso.”
 
 
Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Guurtida ayaa sheegay in dooda qoddobkaas fadhiyada soo socda la sii ambo-qaadi doonno, hase yeeshee  isla fadhigaas waxay warbixin kaga dhegaysteen danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cali Aadan Cawaalle, oo ay la socdeen xubno ay ka mid ahaayeen qareen madax bannaan  oo Somaliland kala shaqeeya qadiyadda aqoonsi raadinta iyo xubno kale oo  ajanabi ah oo u kuur-galayay siday ay  Goleyaasha sharci dejintu ugu adeegaan dalkooda.
 
 
 
 
 
“Ujeedada aannu dalka u nimi waxay ahayd in aanu soo eegno sida ay Somaliland u shaqayso. Aniga iyo weftiga ajaanibka ah ee ila socdaaba waxaanu aad ugu faraxsanahay  sida uu ay u shaqaynayaan goleyaasheena sharci dejinta oo ka mida tiirarka ugu muhiimsan kuwa uu qarankani ku taagan yahay,”ayuu yidhi Danjiruhu.
 
Safiirku waxa Golaha Guurtida u sheegay in xagga aqoonsi raadinta guullo badan ay Somaliland ka gaadhay siiba dalka Ingiriiska oo dhawaan ay qoonsadeen magaalooyinka Sheffield iyo Cardiff, iyadoo ay jiraan deegaanno kale oo ka tirsan isla dalkaas oo la filaayo in ay iyana ku dhawaaqaan aqoonsi ay u fidiyaan Somaliland.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply