QM oo Sheegtay in aanay Kenya ka Helin Amar Rasmi ah

0
383

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan ka helin amar rasmi ah dowlada Kenya si loo xidho xerada qaxootiga oo ay ku jiraan boqolaal kun oo qaxooti.
Sabtidii, madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, ayaa sheegay inuu siiyay saddex bilood Hayadda qaxootiga ee UNHCR inay ku xidho xerada saddex bilood, gaysana qaxootiga Soomaaliya. Hadii kale ay Kenya  iyada lafteedu xidhi doonto xerada qaxootiga.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ayaa aaminsan in xerada qaxootiga ay noqotay meel Alshabaab laga qoro.
 
 
Dhinaca kale, Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa dalbaday in xeryahaasi loo raro dhinaca xadka ee gudaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ay go’aankaasi ku wargeliyeen hay’adda UNHCR.
Arrintani waxa ay ka dambaysay weerarkii ka dhacay magaadlada Gaarisa dhawaan oo ay ku dhinteen 148 qof. Waxaa sheegtay weerarkaasi kooxda Alshabaab.
Dawladda Kenya waxa ay sheegtay in ay tuhunsantahay in xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab loo adeegsado xarun ay AL-shabaab weerarada ka soo agaasimaan.
 
 
 
 

Leave a Reply