Ruushka: Madaxiisa Ayaa Lagu Rakibayaa Jidh Qof Dhintay

0
399

Nin aqoonyahan dhinaca Computerka ah oo Ruush ah naafona jidhka ka  ah ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu noqdo qofkii u horeeyay ee dunida laga saaro naafanimada jidheed.  Ninkan oo lagu magacaabo Valery Spiridonov oo 30 jir ayaa ah naafo dhinac jidhka ah, waxaan u fayaw oo keliya madaxa. Mr. Valery Spiridonov ayaa waxa jidhka intiisa kale ugu deeqay qof dhintay. Dhakhaatiirta ayaa sheegay inay madaxa ka jarayaan ka dibna ku rakibayaan jidhka qofka dhintay. Qaliinkan oo aan hore u dhicin isla markaana ah kii u horeeyay ayaa dhaliyay buuq iyo wareer iyadoo la sheegay inay tahay khatar uu u badheedhay, waxaana laga codsaday inuu arintaasi iska dhaafo. Mr. Valery ayaa isagoo arintaasi ka jawaabaya yidhi  “ yes, My decision is final and I do not plan to change my mind” , “ haa, go’aankaygu waa kaasi, mana qorshaynayo inaan bedelo go’aankaasi”. Waxaaana uu intaasi ku daray “ waxaan doonayaa inaan helo jidh cusub oo aan naafo ahayn inta aanan dhiman”.
Valery oo la weydiiyay inuu ka naxsan yahay qaliinka ayaa ku jawaabay “ Haa, laakiin haddana ma baqanayo, waan xiisaynayaa” wakhtigaasina waxa uu joogay gurigiisa oo ku yaala Valadamir oo 120 km uu jirta Mosco.  Dr Canavero oo ka mid ah dhakhatarada qaliinka samayanaya ayaa CNN-ta u sheegay inay heleen fariimo uga yimi dad badan oo naafadaasi ka cabanaya. Dhakhtarka ayaa sheegay inuu yahay qaliin adag oo laba waaxood oo jidhka la isku rakibayo, kaasi oo aan hore u dhicin.
 
 
SHARE

Leave a Reply