Sucuudiga iyo Go'aanka Pakistan

0
506

Dalka Sucuudi Carabiya ayaa sheegaya in go’aanka dalka Pakistan uu qaatay ee ah in aanu  ku biirayn is-bahaysiga milatari ee Sucuudiga hoggaaminaya aanu  marnaba yarayn doonin awoodda hawlgalkaasi ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta Yemen.
Milatariga Sucuudiga ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ay taageero ka gaysan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.
Sidoo kale Sucuudiga waxa uu intaasi ku daray in horumar laga gaadhay duqeymaha ay ku hayaan fallaagada dalkaasi Yemen.
Balse weriyaha BBC-da ee Riyaad ayaa sheegaya in duqeymahaasi lagu guuldareystay in ay hakiyaan horumarka ay sameynayaan Xuutiyiinta isla markaana go’aanka dalka Pakistan uu dharbaaxo ku yahay Sucuudiga.
 
 
 
 

Leave a Reply