Duuliyaha” Waxaan Maqlay Cod Hoose Oo Qaylinaya”

0
372

Dayuurad ay leedahay shirkadda Alaska Airlines oo ku socotay Los Angelis  ee dalka Maraykanka ayaa si degdeg ah u fadhiisatay madaarka Saital ka dib markii uu maqlay duuliyuhu cod meel hoose ka soo baxaya.
Qoraal aya soo saartay shirkadu ayay ku sheegtay in duulimaadkii 448 ee maalintii Isniinta  12/04/2015, in duuliyuhu maqlay cod hoose ka dib markii uu hawada galay. Codkan ayaa ka soo baxayay qaybta kaargo ee dayuuradda. Shirkadda ayaa cadaysay in dayuuradu markii 14 daqiiqo oo keliya hawada ku jirtay ay si degdeg ah u fadhiisatay. Markii ay dayuuraddu fadhiisatay ayaa la baadhay qaybta kaargo waxaana laga helay nin xaamala ah oo seexday halkaasi. Xamaalka ayaa sheegay inay lulo ku qabatay markii dayuuradda ku gurayay alaabta. Ninkan ayaa la geeyay dhakhtarka si loo xaqjiiyo caafimaadkiisa, booliiska ayaa iyana baadhaya arinkiisa.
 
 

Leave a Reply