Mucaaridka Miyey Ka Maqantahay In Aan Hawl Yari Lagu Qaban Hogaanka Dalka

0
537

Jamhuurida Somaliland waa dal qaatay tubta sinaanta iyo xoriyatul qawlka oo loo samaystay xisbiyo uu qof waliba hankiisa siyaasadeed ku muujin karo, isla markaana uu ku soo bandhigi karo fikirkiisa ku aadan sida wax looga qaban karo ama loo horumarinkaro hawlaha bulshada iyo hiigsiga qarankan uu leeyahay, ninkastaa oo leh hami siyaasdeed waxaa looga baahan yahay barnaamij cad oo qeexan lana fahmi karo, intaas waxaa u dheer in siyaasi kasta looga baahan yahay Samir iyo dulqaad uu ku hirgalin karo barnaamijkiisa uu wato, sidoo kale waa inuu yahay shakhsi fahmi kara baahida bulshada uu hanka kaleeyahay oo uu la qaybsadaa dhamaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, sida ay doonaanba ha u adkaadaane.
Dalkeenan waxaa soo maray mucaarid adag oo muddo u soo rafaaday hirgalinta iyo fahamsiinta bulshada barnaamij siyaasadeedkoodii ay doonayeen inay ku hantaan hogaanka dalka, mucaaridkaasi waxa wakhtigaa lagu tilmaamaa kuwii ugu samirka badnaa uguna dulqaadka badnaa, shacabka waxa ay la soo qaateen wakhtiyo adag iyo mararka qaarkoodna hanti, wakhti iyo tamarba ku bixin jiray sidii ay bulshada ula wadaagi lahaayeen dareenkooda, waxay u soo taagnayeen mucaaridkii wakhtigaasi iyadoo xukuumadii markaas jirtay oo uu hogaaminayey madaxweyne Rayaale marar badan loo kordhiyey xilka, arinkaasi oo qaadashadiisu xataa bulshada ku adagyahay ayey u soo samreen oo ay u soo dulqaateen mucaarid, halkaas waxa ka muuqatay markaa in wakhtigaa ay fahamsanaayeen in aan hawl yari lagu qaban hogaanka dalka balse ay u baahan tahay Samir iyo hawl adag, haddaba mucaaridka maanta miyey ka maqan tahay in aan hawl yari lagu qaban hogaanka dalka, maalinkasta waxaad maqlaysaa iyada oo mucaaridka maantu iyaga oo ku mashquulsan uun horumarka dalka ee ay xukuumada maddaxweyne Siilaanyo hormoodka ka tahay iyo inay wax uun caayaan , halkii ay kala iman lahayeen haday karayaan, barnaamij hiigsiyeed, waxqabad iyo horumar. mida kale waxaabad mooda in mucaaridka maanta oo aan khibrad badan lahayn inay rabaan in ay si hawl yari ah ku qabtaan hogaanka dalka , mucaaridka iyada oo aanay siyaasiyiin ahaan iyo xusbi ahaanba ka muuqan diyaar garow doorasho ayey ku celceliyaan waa in doorashada la qabtaa iyo hadii doorashada la qaban waayo waxaasaa dhici, intaas waxa u dheer oo halhays u noqotay, marka la gaadho 26june waa in la sameeyo dawlada wadaaga , hadaad tooda u raacdo haba la sameeyee, horta waxaa is waydiin mudan, hogaanka dalka yaa qaban kara, waxan u malaynayaa inaanay su,aashaa iswaydiin waayo jawaabta si yar oo fudud ayey ku heli karaan, dalka taladiisa waxa uun oo qaban kara cid ay shacabku soo doorteen, waxana uun badali kara cid ay shacabku soo doorteen, haday doorasha dhici waydo oo wakhtigoodu dhamaadana waxa ay xaq u leeyiihin in loo kordhiyo, arinka aan marnaba macquulka ahayn ee ay mucaaridku ku riyoonayaan ee ah in a qayb ka noqdaan dawlada oo la sameeyo xukuumad wadaaga, waa mid habeenkii xalay ahaa oo tagay, waxana u muhiima iyaga inay fahmaan hawsha adag ee ay uu baahantahay qabashada xukunka dalku, umana malaynayo inta ay taasi ka maqantahay inay la tartami karaan madaxweyne Siilaayo iyo xukuumadiisa aadka u firfircoon ee khibrada iyo waayo aragnimada u saaxiibka ah.
Allaa mahad leh
W/Q : axmed koosaar
Email : mahamedfantastic@hotmail.co
 
 
 
 
 

Leave a Reply