“Waxa Aan Siyaasada u Galay Inaan Xaqiijiyo Inuu jiri Karo Siyaasi Wanaagsani”

0
549

Hargeysa (Dawan) – Wasiir ku xigeenka Wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka waramay hamigiisii siyaasadeed iyo caqabado uu la kulmay xiligii uu ka mid ahaa masuuliyiinta hay’adda  wadaniga ah ee Havoyoco.
 
Cabdikariin Axmed Mooge oo u waramay Baraamijka aragtida siyaasiga ee Telefishanka ROYAL waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyinka ay qabyaaladu bulshada u geysato.
Wasiir ku xigeenku waxa uu hadalkiisaa ku yidhi, “Muddo 23 sannadood ku dhaw ayaan ahaa waxa Af-Somaali ku noqonaya horumariye bulsho ama abaabule bulsho, muddadaa 23 sannadood ah ee aan ku jiray hawlahaa horumarinta ah, waxaan dareen la qabay shacabka oo waxaan aaminsanaa in qofka siyaasiga ahi dadka  Somaliland ha noqoto, ama dadka Soomaalida ah ha noqoto ama wadamo badan oo mandaqadan Geeska Afrika ku yaala ha noqotee waxoogaa qawad ah ayaan yara tirsanayay markaa wax badan baan ka qoray oo qoraalo badan baan ka sameeyay  oo aan ku sifaynayo qofka doonaya inuu siyaasi noqdo ama siyaasiga suuban ama siyaasiga wanaagsani qofka uu yahay, muddo markii aan kuwaa waday su’aalo ayaa imanaya oo waxa imanaysa adiguba maad noqotid tusaalaha ama qofkaa siyaasiga ah ee wanaagsan, aniga oo markaa ka jawaab celinaya inaan in badan wax ka qoray arrimahaa ayaan gaadhay go’aan ahaa inaan markaan 40 sanno gaadho inaan siyaasada soo galo.
 
“ILAAHAY qadarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markaan da’adaa gaadhay ayuu ii soo xushay inaa ka mid noqdo golihiisa Xukuumadda, sharaf iyo cisina wey ii ahayd markii aan siyaasada soo galayna maanta waxa i hortaala inaan noqdo qofkii siyaasiga ahaa ee aan qorayay ama qofkii siyaasiga ahaa ee aan sifaynayay oo waa anigii lahaa siyaasiga suubani waa inuu sidaa noqdaa oo inaan siyaasigaa noqdo oo tusaale ku noqdo, markaa aniga oo doonaya inaan xaqiijiyo inuu jiri karo siyaasi wanaagsani ayaan siyaasada soo galay taasaana igu khasabtay inaan siyaasada soo galo.”
 
Wasiir ku xigeenka qorshaynta oo ka hadalaya caqabadihii ka hor yimi intii uu arrimaha bulshada ka shaqaynayay, waxa uu yidhi, “Intii aan Havoyoco u shaqaynayay ama hay’addaha kale wey yarayd intaan ka soo shaqaynayay Degmo aniga igu suntan oo la odhan karo waa halka uu ka soo jeedo Cabdikariim Axmed Mooge ma jirto, waxaan ka shaqaynayay Gobolo iyo Degmooyin kala duwan  oo u badan qaar aan ahayn meelihii aan ka soo jeeday, caqabaduhuna wey badnaayeen laakiin markaad tahay horumariye bulsho adkaysibaad yeelanaysaa oo waxaad u adkaysanaysaa in dadkaaga aad soo gaadhiiso heer ay kula fahmayaan inaad wax u qabanayso, caqabadaha kale ee qabiilka iyo qabyaalada leh ee ah horta yaad tahay inta aadan mashruuca noo samayn  adiga oo wax wanaagsan u raba markaa, bal malee Ummad ama Xaafad ama Degmo bilaa biyo ah oo aad u soo heshay in Riig loo qodo ama in Barkad loo sameeyo oo Barkadii ama Riigii leh ha noo qodin. ka tagi maysid, waayo waxaad doonaysaa in biyahaa la cabo oo Caruurta iyo Hooyooyinka ay biyo helaan in ka kaa hortaagan maahee  ka kale ee wanaagsan ee isagu aan xaga hore iman inaad biyaha u soo saarto. Markaa quusan maysid horumarkuna maaha wax ka fayo qaba in dhibaato ku soo gaadho markaa naf hurkaasaanu samaynaynay, caqabaduhuna wey badnaayeen laakiin maanana quusan wadadaa uun baanu haynay oo horumar badan baanu samaynay.”
 
 
 
 
 
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka qorshayntu waxa uu intaas ku daray “Marka ay Ummaddi midaysan tahay ee ay gacmaha is haysato ee meel  u wada jeedo, cadawga dibadu waxba kama qaado, Ummaduse marka dhexdooda isku cadow tahay markaa waxa weeyaan cadowga dibada wey u fududaanaysaa inuu kaa guulaysto, markaa anigu waxaan u arkaa in qabyaaladu ay tahay halista ugu weyan ee maanta Somaliland aan uga baqayo, waayo dadkii Somaliland wada lahaabaa kala tagaya oo is xamanaya oo qabiilba leeyahay qabiilbaa, qabiil ka wanaagsan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply