Awaamiir Cusub Oo Lagu Soo Rogay Ajaanibka Ka Shaqeeya Somaliland

0
415

Hargeysa (Dawan): – Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Somaliland Dr. Cabdi Aw- Daahir Cali, ayaa soo saaray qoraal uu ku amray shirkadaha ganacsiga ee dalka inay muddo bil gudaheed ah ku diiwaan-geliyaan shaqaalaha ajanabiga ah ee u shaqeeya.
“Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay ku wargalinaysaa Shirkadaha iyo hayadaha in Shaqaalaha ajenabiga ah ee la shaqeeya ka diiwaan galiyo Xafiiska oggolaansha shaqo (Work Permit )muddo bil gudaheed.
Wixii ka dambeeya waxaa loo aqoonsanayaa qof sharcigii ku gafay,  Waxaana lala tiigsanayaa Sharciga” Ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulsahda Somaliland tallaabadan oo noqonaysa mid   lagu ogaanayo tirade guud ee ajaanibka dalka ka shaqeeya ee ka hawl gala shirkadaha iyo hay’adaha dalka ku sugan iyo shaqooyinka ay qabtaan.
Waxaa kale oo  ay qayb ka qaadanaysaa marka laga diiwaan galiyao xafiiska Shaqaalaynta  in cashuurtii sharciga ahayd ee ku waajibtayna in laga qaado,”ayuu war-saxaafadeedkiisa ku  yidhi Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshaddu.
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply