Olole Cashuur Ururin Ah Oo ka Bilaabmaya Goboladda Dalka

0
418

Berbera (Dawan) –  Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Marwo  Samasam Cabdi Aadan, oo socdaal shaqo ku joogta Magaalada Berbera ayaa ku dhawaaqaday olole cashuur ururineed oo dalka oo  dhan laga bilaabayo, waxaanu tilmaantay ololahan kor loogu soo qaadayo dakhliga dalka.
 
Marwo Samsam Cabdi oo shalay warbaahinta kula hadashay Magaalada Berbera waxa kale oo ay bulshada ugu baaqaday inay bixiyaan cashuuraha.
 
“Waxa maanta (shalay) bilaabmaya olole cashuur ururineed oo ka bilaabmaya dalka oo dhan oo masuuliyiinta Wasaarada Maaliyadu wadaan oo ay isku qaybiyeen, oo bariga ilaa gobolka Saaxil oo xuduntii ah illaa Togdheer, Sanaag iyo Sool qaybo ayaanu ku soconaa waana isku qaybinaynaa, Maroodijeexna Wasiirul dawlaha Maaliyada iyo  Wasiir ku xigeenka ayaa hogaaminaya ololahaa cashuur ururinta, galbeedkana waxa u kicitimaya Agaasimaha guud oo wata masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada oo illaa Awdal, Gabiley iyo Salal gaadhaya,” Ayay tidhi Wasiir Samasam
 
 
Wasiirka Maaliyada waxa ay  sheegtay in Somaliland ay horumar ku gaadhay bulshadeeda oo isku tashatay, waxaanay tidhi  “Markaa waxa weeyaan in aynu dadkeenna ku baraarujino  duruufaha qalafsan ee ka jira deegaanka inoo dhow in aynu innagu guntida dhiisha iskaga dhigno oo aynu isku tashano, waayo Somaliland waxay halkaa ku soo gaadhay waa iyada oo isku tashatay. Isku tashiga uun baynu haddana sii xoojinaynaa, waxaynu doonaynaa in dadkeenna aynaan dhibin oo aynu barno in qofku cashuurta iska bixiyo waana wax waajib ah.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply