Khubaro Saynisyahano Ah Oo Sheegay In Midabada Gidaarada Ee Dhalaalayaa Ay Keenaan Caajis Iyo Xanuuno Maskaxeed

0
379

Saynisyahano  ka socday jaamacadda Cornell University ee dalkaasi Maraykanka ayaa soo  gebo gebeeyey daraasad ay wadeen oo ku saabsanayd  gidaarada, midabka iyo siday dadka samaynta ugu yeeshaan, waxaanay ugu dambayntii daraasada kusoo sheegeen  in gidaarada midabkoodu noqdo mid dhalaalaaya uu keeno caajis iyo sidoo kalena madax xanuun, sidoo kalena ay samayn ku yeelato caafimaadka dadka.
Natiijada daraasadan ayaa soo jeedisay in la badiyo kalarka Casaanka ah iyo sidoo kalena  huruuda, kuwaas oo ay sheegeen inay faa’ido badan u lee yihiin dadka,gaar ahaana dhinaca maskaxda iyo indhaha, waxaanay tilmaameen inay ka hortagaan midabadaasi xanuunada jidhka ku dhaca.
Kooxdan khubarada ah ayaa soo jeedisay in layska ilaaliyo inta badan in gidaarada laga dhigo kuwo midabkoodu dhalaal badan bixinaayo ,sidoo kalena waxay ka digeen midabka cad oo ay sheegeen inuu keeno xanuuno iyaguna dadka ku dhaca, sida dheecaanada jidhka oo qaarkood khal khal ku yimaado, kadib markay indhuhu ku dhacaan amar khaldana u diraan maskaxda.
 
 

Leave a Reply