Lambad Wireless Ku Shaqaynaysa Oo Lasoo Saaray Markii Ugu Horeysay

0
361

Philips oo ah saynis yahan caana ayaa sheegay inuu soo saaray lambad cusub oo hab wireless ah u shaqayn doonta, taas oo la jaaj garayn doono,waxaanay laambadaasi shaqayn doontaa muddo saddex saacadood oo isku xigta ah, waana haddii si buuxda loo charge gareeyo, haddii loo baahdona dib ayaa loo charge garayn karaa.
Waxa kale oo si fudud loo bedeli karayaa markasta oo loo baahdo kaladhka laambadaasi, iyada oo la adeegsan karo Taleefanka gacanta, waxaana lagu magcaabaa laambadan Hue Go.
Lambadan ayaa aad uga duwan kuwa kale ,iyada oo shaqaynaysa muddo saddex saacadood oo wada socda ah, sidoo kalena loo qaadan karo laguna xidhan karo meeshii loo baahdo, waxaana sidoo kale la bedeli karaa kaladhka laambadaasi,iyada oo siyaalo kala duwan loo adeegsanaayo.
Laambadan ayaa loo adeegsan karaa siyaalo kala duwan, sidoo kalena waxa lagu isticmaali karaa meelo kala duwan, iyada oo sidoo kalena uu hada doonaayo saynisyahanku inuu kusoo daro qayb cadceeda ku shaqaynaysa.
Laambadan ayaa la soo saaray 300 oo midh,kuwaas oo la doonaayo in la tijaabiyo ,iyada oo qaybo kamid ahi ay shaqeeyeen %40 kamid ah laambadahaasi ayna fiicnaadeen.
 
 
 
 


 

Leave a Reply