Maamulka D/Hoose Ee Burco Oo Soo Dhaweeyay Wareegtadii Madaxweynuhu Dalka Kaga Mamnuucay Bacaha

0
409

Burco (Dawan) – Maayarka Degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraad iyo Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Burco Cismaan Sheekh Cismaan Nuur, oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay wareegtadii  Madaxweyne Siilaanyo ku mamnuucay isticmaalka bacaha, waxaanay sheegeen in dawlad hoose ahaan ay arrintaasi ka shaqaynayaan.
 
“Digreetaddii Madaxweynuhu ku mamnuucay bacaha, Madaxweynaha qaranka  waan ku bogaadinaynaa oo waxyaabaha caynkaas oo kale ah in la mamnuuco waa wax aad loogu baahan yahay waanan kala shaqaynaynaa.  Madaxweynaha oo weliba Madaxweynuhu yidhi waxa intaas dhaafsiisan waxa shaqadaa leh oo ka shaqayn doona Maayarrada. Waxaannu leenahay Madaxweyne waanu ka shaqaynaynaa, fulinta wareegtadas,” Ayuu yidhi Maayarka Burco.
Xoghayaha dawlada hoose ee Burco  Cismaan Sh. Cismaan Nuur ayaa isaguna sheegay in digreetada Madaxweynaha uu soo dhaweynayo, waxaanu yidhi “Digreetaddaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku dhawaaqay ee ah in la joojiyo bacaha, bacdu waa shayga keliya ee Nadaafad darrada kow ka ah ee dalka dhibtay, markaa qorshahaasi  waanu soo dhaweynaynaa.”
Dhinaca kale Maayarka Burco iyo Xoghayaha dawlada hoose waxay ka hadleen roobabkii gu’ga ee ka da’ay Magaalada Burco, waxaanay sheegeen in aanu jirin waxyeelo ay geysteen.
Maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo ka hadlayay arrimahaasi, waxa uu yidhi “Waxa si wanaagsan Burco ama gobolka Togdheer  uga curtay Roobabkii gu’ga, magaaladda iyo agagaarkeeda illaa shalay (doraad) Roob wanaagsan baa ka da’ay oo khasaarihiisu ma badna oo Iskuulada Faarax Suusle iyo Xuseen Kaahin labadaa waxyeelo ayuu u geystay, Guryo uu jiingada ka qaaday iyo jiingado waxooga ah oo uu riday khasaarihiisu waa intaas, khasaare nafeedna ma jiro.”
 
Xoghayaha dawlada hoose ee Burco ayaa bulshadda ugu baaqay inay xil iska saaraan nadaafadda xili roobaadka, islamarkaana ay bixiyaan cashuuraha , waxaanu yidhi “Iyada oo aynu ku jirno xiligii Roobka nadaafada guud ee Magaalada waa in aynu ka ilaalino waxyaabaha nadaafada xumada ku keenaya, Waddooyinka Magaalada Burco sida la caadaystay ee qashinka la dhigayo waa dabeecad aad u fool xun, waxaanu dadweynaha uga digaynaa in aan la isticmaalin oo halkan uga sheegaynaa sannad kastana u sheegnaa in cashuur sannadeedkii 2015-ka oo bishi afaraad ee April si dhakhso ah muwaadin kastaa u soo bixiyo gaar ahaan cashuurta dhulka banaan oo hadd iyo jeer is gaadha. Dadka qurbajooga ahna waxaanu u sheegaynaa inay soo bixiyaan cashuurta sida ugu dhakhsaha badan.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply