Sacuudiga oo lagu Daldalay Haweenay

0
515

Dowladda dalka Indonesia ayaa ugu yeedhay in danjiriha Sacuudiga ee dalkaasi u jooga in uu ka dhiidhiyo daldalaad lagu sameeyay haweenay jaariyad ama shaqaale ahayd oo u dhalatay dalkaasi.
Warbaahinta dowladda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in Siti Zaenab Duhri, lagu daldalay magaalada Madina, salaasadii aynu soo dhaafnay, kaddib markii lagu helay sida la sheegay in ay tooriyaysay oo ay garaacday ilaa uu ka dhintay qofkii ay u shaqeynaysay sanadkii 1999-kii.
Sharciga Sacuudiga ayaa dhigaya, in uu maamulka sugo caruurta ay dhashay haweynaydaasi la dilay da’dooda si ay go’aan uga gaadhaan in ay doonayeen ciqaabta dilka ah, mag dhaw in ay bixiyaan ama la cafiyo hooyada.
Dhanka kale qof u dhashay Sacuudiga ayaa lagu daldalay  shalay gobalka waqooyiga ku yaala ee Al-Jouf, isaga oo sida la sheegay ka ganacsanayay daroogo.
 
 
 

Leave a Reply