Google oo lagu Eedeeyay ku Takrifal

0
469

Midowga Yurub ayaa si rasmi ah ugu dacweeyay shirkadda Internetka ee Google in ay ku takrifaleyso awooda ballaadhan ee ay u leedahay suuqa wax ka raadinta internetka.
Midowga Yurub haweeneyda u qaabilsan madaxa baadhitaanka ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay Internetka ballaadhan ee Google in ay sababtay in ay hesho faa’ido aan cadaalad ahayn marka loo barbardhigo kuwa kale ee bixiya adeega wax kala iibsiga iyo xayeysiinta internetka.
Google ayaa loo qabtay labo isbuuc in ay kaga jawaabto dacwadda loo soo jeediyay.
Guddiga caalamiga ah ee maamulka internetka ayaa ku baaqay mashqruuc heshiis cusub ah, si loo ilaaliyo xogaha gaarka ah iyo ammaanka macaamiisha adeegsata internetka.
Madaxa gudigan ayaa sheegay in ilaalinta xoga gaar ah ay tahay aasaaska xuquuqda aadanaha.
 
 
 
 

Leave a Reply