Wasiirro u Tagay Dubai Qiimaynta Shirkad u Jeellan Maal-gashi Ay Ku Samayso Dekadda Berbera

0
463

Dubai (Dawan):- Wefti Wasiirro ah oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in ay kulamo kula yeelanayaan dalka Imaaraadka carabta shirkad la yidhaahdo Dubai World, oo ka mid ah sharaa’iga danaynaya inay maal-gashadaan marsadda Berbera.
Weftigaasi waxa kale oo xubno ka ah Wasiirrada Hawlaha guud, Ganacsiga iyo Maareeyaha dekadda Berbera, ayaa shalay  socdaal shaqo ugu kicitimay  dalka isu-taga Imaaraadka carabta, gaar ahaana magaaladda Dubai.
Sidaasina waxaa lagu sheegay qoraal kooban oo uu Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu xalay ku baahiyay bogga uu degelka Internet-ka ku leeyahay ee Guusha.com.
 
 “Waxaanu  Maanta (shalay)  ka soo amba baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa anigoo ku sii jeeda dalka isutaga Imaaraadka Carabta ‘UAE” gaar ahaan magaaladda Dubai. Safarkan oo ay  igu wehelinayaan Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud,  Gadiidka iyo Guryeynta Mud.  Cabdirisaaq  Khaliif Axmed , Wasiirka Ganacsiga iyo Maaligashiga Md. Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali  Cumar Maxamed (Xoor-xoor).U jeedadda  socdaalkayaga ayaa noqon doona in aanu  wada hadal iyo qiimayn ku soo samayno shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera magaceedana la yidhaahdo  Dubai World,”ayuu Wasiirka madaxtooyaddu ku yidhi qoraalkiisa.
 
 
 
Wasiirku waxa uu ku dooday inuu rajaynayo in wada hadalada ay la yeelanayaan shirkadaasi uu fure u noqdo maal-gashi caalami ah oo Somaliland kasbato, waxaanu yidhi “Waxaan rejaynayaa in wada hadalkaasi noogu soo dhamaado is-afgarad iyo is-faham sidoo kalena noqdo mid al-baabka u fura maal-gashi caalami ah oo dalkeenna lagu sameeyo.
Waxaa hubaal ah in guud ahaan dalkeennu u baahan yahay in uu xidhiidh fur-furan la yeesho dalalka jaarka ah  iyo caalamkaba,  si loo helo maal-gashiyo waaweyn “Macro investment” oo wax badan ka tari kara dhinacyada shaqo- abuurka iyo guud ahaanba horumarka dhinacyadiisa kala duwan. Shacabka Somaliland ee jecel horumarka iyo horusocodka waxaan ugu bushaaraynayaa in talaabadani ay bilow u noqon karto Somaliland cusub oo caalamka la socota.Wa Bilaahi Tawfiiq.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply