Xukuumadda Oo ka Jawaabtay Baaq Midowga Yurub Ku Cambaareeyay Somaliland Qisaastii Lagu Fuliyay Lix Gacan Ku Dhiigle

0
390

Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Midawga Yurub oo ka hadlay lix qof oo dil sugayaal ah oo maalintii Isniintii toddobaadkan  lagu fuliyay dil qisaas ah kuwaas oo hore dad ugu dilay deegaanno kala duwan oo Somaliland ah.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland  Md. Xuseen Axmed Caydiid, ayaa Naqdiga ka soo yeedhay Midawga Yurub ku tilmaamay mid aan ka hirgalayn Somaliland isla markaana aan joojinayn ku dhaqanka qawaaniinta u degsan Somaliland.
Wasiir Xuseen Axmed Caydiid waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay khadka Telefoonka ku siiyay Wargeyska DAWAN. “Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay,  kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hor taagi kartaa  Somaliland inay qawaaniinteeda ku dhaqantaanna ma jirto cid kasta oo  cambaarayn sheegtana iyaga ayay u taallaa,”ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladdu.
 
Wasiirka oo aanu waydiinay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi  yidhi. “Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.  Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku eeay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland  bulshadayadiina way nagu hambalyaysay  oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta.  Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda  ha  ku xukumaan,  dalka Somaliland ma khusayso   lagumana    dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta  qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen.”
 
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply