Hindiya Oo Soo Saartay Diyaarad Aan Cidi Wadin Oo Mudaharaadada Loo Adeegsanaayo

0
380

Ciidamada dalkaasi Hindiya ayaa ku guulaystay inay soo saaraan diyaarad nooca aan cidi wadin ah ,taas oo ka yar kuwa caadiga ah ee lagu yaqaano in loo diro dagaalada,waxaana diyaaradan loogu talo galay in lagula dagaalamo dadka mudaharaadeyaasha ah ,sidoo kalena lagula socdo dhaq dhaqaaqooda.
Diyaaradan ayaa lagu sameeyey wershad kuwa qalabka ciidamada oo ku taala magaalada  Lucknow ,taas oo ah mid tuuraysa waxyaalaha qiiqa ah ,gaar ahaana suntan dadka kaga ilmaysiisa oo aan qoryo ka dhacayn ee ay iyadu si automatic ah u tuurayso,waxaana laga hagayaa meelaha xarumaha ciidamada ee goboladaasi ama degmooyinkaasi ku yaala.
Diyaaradan ayaa ah mid lagu hagaayo Computer sida diyaaradaha kaleba loogu hago ,waxaanay kaalin weyn ka geysanaysaa  joojinta muddo haraadyada,sidoo kalena waxay caawinaysaa ciidamada ka hortaga rabshadaha iyo la dagaalanka mudoharaadyada dalkaasi ,kuwaas oo iyagu aan marnaba isticmaalayn suntaasi ,laakin heli doona fursado ay dadka ku qabqabtaan kuna kala kexeeyaan.
Diyaaradan ayaa ah mid la filaayo in meesha ugu horeysa ee ay ka hawlgashaa inay noqoto gobolka  Uttar Pradesh ,kaas oo ay ciidamadu ku guulaysteen inay  ku tijaabiyaan ,laguna tilmaamo ka ugu xasaasisan ee muddoharaadyada ugu badani ka dhacaan dalkaasi Hindiya.
Ciidamada ayay dhibaato ka haysatay dhinaca diyaaradaha Drones ka ah ,kuwaas oo kasoo iibsan jiray meelo kale oo dalkooda ka baxsan,lagana siin jiray lacago qaali ah,waxanu diyaaradan cusub culayskeedu noqonayaa 1.9 kg ,halka ay minido yar gudohood ku gaadhayso  masaafo dhan 0.9 Kilometers.
 


 

Leave a Reply