Cilmibaadhis Soo Bandhigtay In Sharaabka Tamaandhadu Culayska Jidhka Si Fudud U Yarayso

0
474

Khubaro saynisyahano ah ayaa sheegay in waxyaalaha laga miiro tamaandhadu uu yareeyo misaanka culus ee qofka,taas oo aanu qofku u baahanayn inuu isticmaalo waxyaalaha kale ee miisaanka dadku inta badan iskaga ridaan.
Khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Medical University  of Chine ayaa sheegay inay tamaandhadu lee dhaay faa’idooyin badan ,gaar ahaana marka la miiro,taas oo ay kamid tahay inay rido culaysa saa’idka ah ee qofka fuulaaya,iyaga oo sameeyey tijaabooyin kala duwan ayay ku sheegeen in ay door muhiim ah ka ciyaarto inuu qofku la dagaalamo culays badan oo fuula.
Khubaradan ayaa sameeyey tijaabooyin ay ka qaadeen 25 dumar ah ,kuwaas oo da’doodu tahay inta u dhaxaysa 20 sanno ilaa 30 sanno,waxaanay dumarkaasi si maalinle ah u isticmaalaan waxyaalaha laga miiraayo tamaandhadaasi,waxaanay wadeen tijaabadan muddo laba bilood ah.
Tijaabadan ayaa muujisay in qof kasta uu ka dhacay 2 cm oo culays ah ,kuwaas oo hore u diwaangeliyey culayskiisii hore,ka dambena qiyaasay.
Sidoo kale tijaabadan ayaa muujisay inay hoos u dhacday heerka xanuunada laga qaado culayska jidhka,iyo sidoo kalena wadne xanuunka ,waxaanu hoos u dhacaasi gaadhaayey  10%,gaar ahaana xanuunada wadnaha iyo Cancer-ka.
Sidoo kalena waxay khubaradaasi sheegeen in ay tamaandhada ku jirto macdanta Vitamin A da ahi,iyada oo keenta inay indhaha aragtidoodu halkaasi aanay dhaafin ,siina wanaagsanaato.
 

Leave a Reply