Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddiga Qaban Qaabada Sanad-guuradda 24-aad Ee Madax-banaanida Somaliland

0
409

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa magacaabay Gudiga qaban-qaabada sannad guurada  24 aad ee ka soo wareegtay  maalinta  qarannimadda  iyo madax-banaanida Somaliland ee 18-ka May.
Guddidan oo u badan Wasiirro ayaa waxa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran Cadde, waxaana xubno ka ah  Wasiirrada Maaliyadda,  Waxbarashada iyo Tacliinta Sare,  Hawlaha Guud, Guriyeynta & gaadiidka, Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta,  Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga, Duqa Caaasimadda  Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac iyo Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire).
War-saxaafadeedka Guddiga lagu magacaabay oo uu soo saaray Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska saxaafadda Somaliland Naasir Yuusuf Daahir, waxa lagu yidhi  “Sida aad la socotaan waxa foodda innagu soo haysa haddii EEBBE idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah. Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabada Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.”
Waxaanu intaas ku daray “Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabada ka rejaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”
18.-ka May ee 2015 ayaa ah sannad guuradii 24 aad ee  ka soo wareegtay gooni isu taagga  iyo la soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply