“Waanu Fulinaynaa Digreetadii Madaxweynaha Oo Dalku Baahi Weyn u Qabay”

0
399

Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka mid ah Golaha deegaanka Burco ayaa soo dhaweeyay Digreetaddii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo uu dalka kaga mamnuucay isticmaalka bacaha, waxaanu tilmaamay in arritaasi Gole deegaan ahaan ay bogaadinayaan.
Xildhibaan Bidhi oo qalab ciyaareed oo uu kugu tallo-galay  Xulka qaranka Somaliland ku wareejiyay Wasiirka dhalinyarrada iyo ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin, waxaanu sheegay inuu muddo ka shaqaynayay horumarinta ciyaaraha Somaliland, islamarkaana uu qalabkan ciyaareed Wasiirka ku wareejiyay.
“Madaxweynaha Somaliland waxaan uga mahad naqayaa Digreetaddii uu soo saaray ee uu ku mamnuucay bacaha, aad  baanu ugu faraxnay waana arrin aanu doonaynay gole ahaan, waa arrin aan shakhsiyan in baan iga guuxaysay oo dadka reer Somaliland guddo iyo dibadba ay ka hadli jireen oo ay odhan jireen wax ka qabta.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bidhi.
Xildhibaanku waxa uu Wasiirka ku wareejiyay Koob loogu tallogalay ciyaaraha gobolada Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ku wareejiyo Wasiirka shaqo aan qarankan u soo hayay muddo, sannadkii  2004 waxaan ka ololaynayay xaga ciyaaraha dibada iyo guddahaba oo urur la yidhaahdo NF Bord oo ah urur aan  ku jirin FIFA ay inoo ogolaadeen in aynu xubin ka noqono, islmarkaana xulka qaranka Somaliland ay ka qayb-galaan Koob wakhtigaa lagu qabanayay dalka Marooko sannadkii 2005. Nasiib-darro aan suurtogelin ayaan hawshiisa gacanta ku hayay waraaqihii  Docmentiga ahaa ee aan hayay iyo agabkii ciyaaraha ee aan ugu tallo-galay xulka qaranka Somaliland ayaan doonayaa inaan Wasiirka dhalinyarrada iyo ciyaaraha ku wareejiyo.
Wakhtigaas oo la ii magacaabay wakiilka Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Yurub iyo America oo muddadaaba aan agabkan wareejin, agabkan oo gurigayga yaalay ilaa sannadkii 2011-kii intaasoo Wasiirro ay Wasaaradda soo mareen, maantase waxaan nasiib u helay Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin, sidoo kalena waxaan ku wareejin doonaan Koob aan keenay wadanka oo laba Koobay ahaayeen mid waxaan ku wareejiyay Wasiirkii hore Cabdi Siciid Faahiye, Koobkii labaad ee loogu tallogalay ciyaaraha gobolada Somaliland waxaan ku wareejinayaa Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha.”
Xildhibaan Badhi waxa uu ugu baaqay qurbajooga gobolka Togdheer inay ka qayb-qaataan sidii roog loo dhigi lahaa Garoonka Burco, waxaanu yidhi  “Waxaan codsanayaa aniga oo ku hadlaya afka degmada Burco iyo gobolka Togdheer in maadaama oo garoonkii Hargeysa dhaqaalihii la bixiyay oo Roog la dhigayo, Burcona waa caasimadii labaad ee dalka garoonkeeda la dhigo Roog.”
Sidoo kale  Wasiirka dhalinyarrada iyo ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa Xildhibaan Bidhi uga mahadnaqay qalabkan ciyaareed ee uu ku wareejiyay, waxaanu tilmaamay in Wasaaradda ciyaaruhu aanay ka maarmayn, waxaanu yidhi  “Maanta waxaan nasiib weyn ku yeeshay oo aan Ragii hore u yeelan in Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ah halyay u dhashay Somaliland ah, xaga ciyaarahana magac weyn ku leh ama aragtiyo badan ku leh, isaga oo jecel inuu dalkiisa horumariyo oo qalabkan aad arkaysaan ee ilaa agabkii ciyaaraha, Koobkii iyo  dawadii dooga uu igu wareejiyo 11 sannana gacanta uu ku hayay. Xildhibaan Mubaarig waan uga mahadnaqayaa in mar walba aanay Wasaaradu kaa maarmayn adiga oo Xildhibaan ah, haddana waxaan jeclahay inaad ka mid ahaato la taliyayaasha sarsare ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyraaha, agabkan ciyaareedna waan ka guddoomay aadna waan igu faraxsanahay inaad igu wareejiso dharkii xulka qaranka oo diyaarbaanan u nahay in Garoonka Burcona Roog la dhigo, wixii dhaqaale u haynaa ha u soo shubaan dawlada hoose ee Burcona diyaar bay u tahay inay dhigto Roogii, waxaana  jeclahay in mar kale lagu ciyaaro Garoonka Burco oo Roogii leh INSHA ALLAH.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply