Muslimiin lagu Eedeeyay inay Tahriibayaal ku Tuureen Badda

0
403

Booliska Taliyaaniga ayaa xidhay 15 qof oo muslimiin tahriibayaal ah , kuwaas oo lagu eedeeyay inay doomaha ka tuureen dad masiixiyiin ah, intii ay ku dhex jireen badda.
Waxaa loo xidhay eedo la xidhiidha dil xamaasadeysan oo ku saabsan diin nacayb.
Waxaa la qabtay islamarkii ay gaadheen xeebta Sicily.
Laba iyo toban masiixiyiin ah oo loo maleynaayo inay ka yimaadeen Ghana iyo Nigeria ayaa laga cabsi qabaa in badda lagu tuuray.
Ilaalada xeebaha ee Talyaaniga ayaa sheegay in la badbaadiyay ku dhowaad 10 kun oo qof isbuucaan oo keli ah, kuwaas oo doomo ka raacay dalka liibya.
Khamiistii  oo keli ah waxaa la badbaadiyay 900 oo qof.
 

Leave a Reply