Hoggaamiye Gacan Midig u ahaa Saddaam oo la Dilay

0
383

Hoggaamiye xag-jir ahaa oo la yidhaahdo Cizzat Ibrahim al-Douri, ayaa lagu dilay dalka Ciraaq, waxaa sidaa sheegay saraakiisha dalkaasi.
Waxa uu madaxweyne ku xigeen u ahaa madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddam Xuseen.
Saraakiisha wadankaas ayaa sheegay in uu ku dhintay dagaal ka dhacay gobalka Salaxuddin, ee waqooyiga Ciraaq.
Taageerayaashiisa ayaa diiday in arrintaasi ay jirto.
Al-Douri, ayaa 72-sano jir ahaa, waxa uuna hoggaaminayay koox la yidhaahdo Naqshbandi, oo ah koox xoog badan oo ka dambeysay kacdoonkii kooxda Daacish.
Waxa uu ku xigeen u ahaa Saddam Huseen, oo xukunka laga tuuray markii ciidamo Maraykan ay horkacayaan ay galeen Ciraaq, sanadkii 2003-dii.
Al-Douri, ayaa loo arki jiray in uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Baath.
 
 

Leave a Reply