Islaan 1300 Ey Ku Quudisa Gurigeeda

0
427

Waxa jira dunida kuwo xayawaanka ula dhaqama si arxan daran , Eyda ayay cunaan, wayna ciqaabaan. Laakiin haddana dhinaca kale aadamigu waa noocyo waxaana  jira kuwo wakhtigooda intiisa badan ku bixiyay sidii ay ugu naxariisan lahaayeen xayawaanka. Islaantan oo u dhalatay dalka China oo 83 jir ah,  ayaa toosta subixii ka hor intii aanay  soo bixin cadceedu  si ay raashin usiiso 1300 Ey, kuwaasi oo iyada kula nool gurigeeda. Islaantan ayaa ilaalisa caafimaadkoodana ka shaqaysa.  Islaantan iyo shan dumar ah oo kale oo degan magaalada Shanshi ee gobolka badhatamaha China ayaa ku dhaqaaqday inay ururiyaan Eyda luntay oo ay xanaaneeyaan. Tirada Eydaasi ayaa gaadhay 1300 oo Ey kuwaasi oo maalintii ay siiyaan 400 kg oo raashin ah.  Islaantan ayaa iyadu lacagteeda gaarka ku isticmaalaysa quudinta Eydaasi. Laakiin wakhtigan waxa ku caawiya iyaguna hay’ado kale oo daryeelka xayawaanka ka sheqeeya.

Leave a Reply